Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynihii Niger ee xilka laga tuuray oo baaq u diray Maraykanka iyo reer Galbeedka

Recommended Posts

Deeq A.   
basom.webp?resize=770%2C513&ssl=1

Madaxweynihii xilka laga tuuray ee Niger Mohamed Bazoum ayaa ugu baaqay Mareykanka iyo beesha caalamka in ay caawiyaan dalkiisa,isla markaana ay soo celiyaan nidaamkii dastuuriga ahaa ee dalkaasi.

Bazoum, oo todobaadkii hore ay militariga xilka ka qaadeen, ayaa hadal uu ku daabacay Washington Post ku sheegay ku muujiyay digniin ku saabsan  cawaaqib xumada ka dhalan karta xukunka mileteriga haddii uu guulaysto afgambiga isaga ka dhanka ah.

“Inqilaabka ay sameeyeen koox ka tirsan millatariga ee dhacay July 26, wax cudurdaar ah ma ma lahan haddii ay guulaystaan kooxdaasina waxay cawaaqib xun ku yeelan doontaa dalkeena, gobolka iyo adduunka oo dhan” Mohamed Bazoum ayaa sidaas sheegay maalinimadii shalay oo Khamiis aheyd.

Madaxweynaha xilka laga tuuray ee Niger oo ka mid ah hogaamiyayaasha taageera reer galbeedka ayaa sheegay in dalka ku yaal galbeedka Afrika uu ahaa iftiinka rajada gobolka ee ay ragaadiyeen rabshadaha ku lugta leh xagjirnimada.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynihii Niger ee xilka laga tuuray oo baaq u diray Maraykanka iyo reer Galbeedka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this