Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Itoobiya oo ku dhawaaqday xaalad deg deg ah

Recommended Posts

Deeq A.   
01000000-0aff-0242-ff57-08db444fffa5_w40

Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa maanta ku dhawaaqday xaalad deg deg ah iyada oo ay sii xoogeysteen iska hor-imaadyada rabshadaha wata ee dhexmaraya ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyada Gobolka Amxaarada.

“Waxay noqotay lama huraan in lagu dhawaaqo xaalad deg deg ah maadaama ay soo baxday xaalad ay adkaatay in dhaq-dhaqaaqan aan la aqbali karin lagu xakameeyo sharciga hadda jira,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo la soo dhigay baraha bulshada.

Bayaanka laguma sheegin haddii xaaladda deg degga ah ay quseyso dalka oo dhan ama kaliya gobolka Amxaara, oo dhaca waqooyiga caasimadda Addis-Ababa.

Iska hor-imaadyada ka socda gobolka Amxaara ee u dhaxeeya ciidamada qaranka iyo maleeshiyada deegaanka ayaa kasii daray toddobaadyadii dhowaa, taasi oo keentay in dowlado shisheeye ay soo saaraan diginin socdaal, halka diyaaradda qaranka ee Ethiopian Airlines ay joojisay duulimaadyadii gobolka.

Xiisadda ayaa sii kaceysay tan iyo bishi April markii ay dowladda federaalka ku dhowaaqday inay burburineyso ciidamo goboleedyada, oo ay ku jiraan kuwa gobolka Amxaara, halkaasi oo dadka u dhashay ay u arkeen tallaabo wiiqeysa gobolka labaad ee ugu dadka badan Ethiopia.

Afhayeen u hadlay ciidamada Ethiopia, Getnet Adane ayaa shir jaraa’id ka sheegay toddobaadkan, in dagaal-yahano ka tirsan maleeshiyada deegaanka ee Fano ay mas’uul ka yihiin rabshadaha gobolka Amxaara.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Itoobiya oo ku dhawaaqday xaalad deg deg ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this