Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta laba sarkaal oo DF ay sheegtay inay u baxsadeen Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
ciidamada.jpeg?fit=2560%2C1707&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Hey’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa ku raad-jooga Cabdisataar Cabdulqaadir Ciise iyo Ayaanle Maxamed Cali oo ka tirsan ciidamada dowladda, kuwaas oo la ogaaday inay si hoose ula shaqey jireen argagixisada Al-Shabaab.

”NISA waxa ay raadinaysaa Cabdisataar Cabdiqaadir Ciise iyo Ayaanle Maxamed Cali oo baxsad ah, Fadlan haddii aad hesho xog horseedi karta in la qabto la soo xiriir hay’adaha ammaanka,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay NISA.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ragaan ayaa midba mar la waayey markii ay hey’adaha dowladda ka dhex bilowdeen baaritaano ku saabsan xubnaha ku dhex qarsoon ee u basaasa kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac ayaa galabta sheegay in baaritaanadaas lagu qabtay in ka badan 10 qof oo si hoose ula shaqey jiray Al-Shabaab, kadib baaris ay sameysay hey’adda NISA.

Caasimada Online ayaa ogaatay in labada nin ee hadda ay dowladu baafineyso ay isku dhiibeen kooxdii ay sida hoose ula shaqey jireen ee Al-Shabaab.

Cabdisataar Cabdulqaadir Ciise wuxuu ahaa sarkaal ka soo goostay Al-Shabaab intii uu hoggaanka NISA ahaa Fahad Yaasiin, dhowr bilood oo dhaqan gelin ah kadib waxaa lagu biiriyey NISA, wuxuuna ka mid ahaa saraakiishii ciidanka Duufaan ee loo adeegsaday weerarradii lagu qaaday mucaaradka intii ay socotay doorashada dalka.

Markii ay bilaabatay in la is daba galo ayuu u baxsaday Al-Shabaab, sarkaalka labaad ee dowladdu ay sheegtay inuu baxsaday waa Ayaanle Maxamed Cali oo ahaa sarkaal soo maray NISA, balse markii uu baxsaday wuxuu ka tirsanaa Booliska.

Ninkaas si hoose ayuu ula shaqey jiray Al-Shabaab, isagoo ahaa sarkaal lagu aaminay howlo muhiim ah, balse ugu dambeyntii wuxuu fashilmay habeen uu hoggaaminayey Shabaab degaanka Arbacow oo u dhow Ceelasha-biyaha ku soo weeraray ciidanka Boolis-militaar ee xasilinta caasimadda.

Nin ka mid ahaa Shabaab-kii uu hoggaaminayey ee soo weeraray xerada Arbacow ayaa l qabtay isagoo dhaawac ah, kadibna wuxuu sheegay in Ayaanle Maxamed Cali oo ka tirsan booliska Soomaaliya uu hoggaaminayey maleeshiyaadka weerarka soo qaaday.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ninkii bixiyey xogtaas ee Shabaab ka tirsanaa, maadaama lagu qabtay dhaawac markii dambe waa uu dhintay, habeenkaas kadibna waxaa la waayey Ayaanle Maxamed Cali ahaa sarkaal dowladeed, balse basaas u ahaa Al-Shabaab.

Galabta wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa sheegay in lagu daba jiro labadaas sarkaal ee horay uga tirsanaa hey’adaha amaanka ee dowladda, una basaasi jiray Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa shacabka ka codsaday inay dowladda lasoo wadaagaan hadii ay helaan xogta ragaan, iyadoo la iska ilaalinayo xiriirkooda iyo la macaamilkooda.

Hoos ka eeg sawirada labada ninIMG_3203.jpeg?resize=696%2C540&ssl=1 IMG_3204.jpeg?resize=416%2C515&ssl=1

 

The post Xogta laba sarkaal oo DF ay sheegtay inay u baxsadeen Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this