Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Saraakiisha ciidamada xoreynaya Galgaduud oo amarro ku soo rogay shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   
Sarkaal.jpg?fit=1125%2C730&ssl=1

Galcad (Caasimada Online) – Waxaa maanta kulan isugu yimid saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee ku sugan aagga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud, kulankaas waxaa looga tashanayey sidii deegaanada ku jira gacanta Al-Shabaab looga saari lahaa.

Markii uu dhamaaday kulankaasi sarakiisha ayaa ka soo saaray awaamiir ku socota dadka shacabka ah ee degan deegaanada ay ku sugan tahay kooxda Al-Shabaab.

Saraakiisha ayaa sheegay in hadda loo diyaar garoobay dagaalka kooxda looga xoreynayo magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri, iyagoo shacabka uga digay inay u dhawaadaan kooxda la beegsanayo.

“Waxaan fariin u direynaa shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaanada uu cadowgu ka joogo Galgaduud, waxaan idinka rabnaa inaad ka fogaataan argagixisada, ka fogaada goobaha ay joogaan, waa noo bartilmaameed, mana rabno in shacabka aan u dhimaneyno ay dhibaato soo gaarto,” ayuu yiri Taliyaha guutada 18-aad ee Gor Gor.

Sidoo kale sarkaalkaan ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay bilowday inay telaafanada ka soo wacdo dadka ku nool aagga degmada Galcad, iyagoo weydiisanaya lacago baad ah, wuxuu shacabka uga digay inay dhaqaale ku taageeraan kooxda ama taleefankooda ay kala hadlaan, maadaama ay yihiin rag lagu raad-joogo.

“Waxaan ogaanay in hadda ay Khawaarijtu soo dalbatay baadii ay shacabka ka qaadi jirtay, waxay soo wacayan taleefanadiina ee awood ay idinkugu yimaadaan malaha, waxaan ka digeynaa in lala xiriiro ama dhaqaale la siiyo, xiriirkooda iska ilaaliya cadowgaas waa la beegsanaaye,” ayuu hadalkiisa ku sii daray sarakaalkaan oo ku sugan Galcad.

Shirka maanta lagu qabtay Galcad waxaa saraakiisha ciidanka xoogga ku wehliyey maamulka degmadaas iyo hoggaanka ciidanka deegaanka ee Macawiisley, kuwaas oo sheegay inay u diyaar garoobeen xoreynta deegaanada gobolkaas ee weli ku jira gacanta Al-Shabaab.

“Hadii aan nahay Macawiisley waxaan diyaar u nahay in ciidamada xoogga aan uga hor mari doono meel kasta oo lagu sheego Khawaarijta,” ayuu yiri mid ka mid ah hoggaamiyeyasha ciidanka Macawiisley.

Hoos ka daawo

 

The post Daawo: Saraakiisha ciidamada xoreynaya Galgaduud oo amarro ku soo rogay shacabka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this