Sign in to follow this  
Deeq A.

Ururka Mideeye oo qaadacay doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Urur siyaasadeedka Mideeye ayaa si rasmi ah u caddeeyay mowqifkiisa ka qayb-galka hannaanka doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland.

War-saxaafadeed ka soo baxay urur siyaasadeedka Mideeye ayuu gebi ahaanba ku qaadacay ka qayb-galka doorashooyinkaas ku salaysan hannaanka xisbiyada badan.

Urur siyaasadeedka Mideeye ayaa sidoo kale cambaareeyay wax ka beddelkii lagu sameeyay dastuurka Puntland waxaana uu madaxweyne Deni iyo Baarlamanka ku eedeeyay sharci-jebin.

Ururka Mideeye ayaa sidoo kale Beesha Caalamka ugu baaqay in aysan qayb ka noqon taageeridda hannaanka doorashooyinka Puntland ee qof iyo cod oo ay ku tilmaameen mid hal dhinac ah.

FB_IMG_1691140953467.jpg?resize=720%2C93

PUNTLAND POST

The post Ururka Mideeye oo qaadacay doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this