Sign in to follow this  
Deeq A.

CC Shakuur: Qarankii oo la careysan cawradiisa ayaa soo toosay isagoo ku qeylinaya…

Recommended Posts

Deeq A.   
CC-Shakuur.jpg?fit=1982%2C1424&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo haatan ah ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada ayaa markale qoraal kasoo saaray guul-darradii Soomaaliya kasoo gaartay tartankii orodka ee lagu qabtay dalka Shiinaha.

Tartankaan oo Soomaaliya ay ku metelaysay Nasra Abuukar Cali ayaa waxaa loo diiwaan galiyay inay noqotay orod-yahanaddii ugu hooseysay abid tartan heer caalami ah, iyada oo oroday kaliya 21.81 ilbiriqsi, maadaama aysan laheyn soyaal hore oo oradka ah, waxaana Soomaaliya ay kasoo gaartay fadeexad sumcad dil ku ah qarankeena.

Cabdiraxmaan ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Soomaaliya horay sharafteeddii loogu tuntay, islamarkaana qeylada hadda isgaartay or-kacsi tahay, “Haddii aad cowro qaran ku haysataan, waad ka gardaran tihiin, sow taad horay ii qaawiseen oo cawradayda dibadda u soo dhigteen.”

Qormadaan cusub ee uu soo saaray Cabdiraxmaan ayaa u dhigneyd sidan;

Saakay qarankii oo la caraysan cawradiisa ilaa shalay la hadal hayey ayaa soo toosay, isagoo ku qaylinaya

“waryaaya idinkaa i qaawiyee maxaad ka qajilaysaan? Haddana wuu is dejiyey, wuxuuna is waydiiyey, wuxuuna iskula hadlay, horta kuwaan yaa baray in ay i dhowraan ama ay cowradayda asturaan?

Iskuulka laguma barin oo maadadii Tacliinta Muwaadinimada (Civic Education), ee wax iga fahamsiin lahayd, waa tii manhajka laga saaray oo lagu beddelay “Soomaali iyo Kacaan” inta badan Macalinka wayn, Aabaha umadda iyo guulwadaha qaranka lagu amaanayey.

Malcamadda iyo Masjidka oo ahaa goob kale oo wax lagu baro, arrimahayga laguma haynin, macalinkuna xafidsiinta Quraanku ayuu ku ekaa, wadaadkuna Axkaamta naxwaha iyo arbaciinka.

Suugaanta ayaan islahaa way ku jeclaysiin doontaa, laakiin nasiib daro in yar oo kooban mooye, amaanta odayga, jacayl, gabayo beelo diriray, gobonnimo iyo gunnimo iskugu faanaya iyo xooggaa mucaarad ah bay ahayd.

Anigoo saa u itaal liita ayaad i dumiyeen igana kala carareen, weligeed lama arag qaran dadkiisu ka yaaceen, bal eeg qaramada dadkoodu dirireen, ma jiro mid sida habqanka ah ee aad u qaxdeen dadkiisu dibadda u baxsaday.

La yaabi mayo saa awalba cid idinkiin jeclaysiisay iyo waxaad igu jeclaantaba ma jirin.

Markii aan idinku soo dhacayna beelo ayaad igu qaybsateen, waadna u kala degteen, maalinkaa ayaa xusuustiina ka tirmay. Rajo ayaan lahaa ee waa maalinkii aad asaageey iga reebteen, deriskaygana ii baylahiseen, wayba i kala boobi lahaayeen, Qaramada Midoobay oo aan bilawgii hore ku biiray ayaan qalinkeeda ku baxsaday, Golaheeda Ammaanka ayaa mar walba lahaa;

“Midnimada, Madaxbanaanida iyo Wadajirka dhulka Soomaaliya waa lama taabtaan”.

Wiilkaada in uu tuug noqdo ma rabtid, laakiin in uu hantidayda Xajka kaa geeyo waa rabtaa, walaasha in ay jirkeeda iibiso ma rabtid, laakiin in ay kayga ka ganacsato waa bogaadisaa, madaxweynaha qabiilkaada markii uu kan magacayga qaran sita isku taago, waad ku faantaa oo gobbanimo toleed baad u aragtaa, haddana qabka Qaranka in la ilaaliyo ayaad rabtaa,! Siyaasiga tolkaada ah ee dawlad shisheeye dalkeeda dejisay waa kuu halyeey, kan reerka kalana waa caada qaate ajnabiga u adeega.

Maxaad inanta ugu qayliyeysaan, weligeedba ma aysan maqal meel dantayda lagu hayo, cowradaydana lagu asturayo. Inantu qoyskeeda iyo tolkeeda midna ceeb uma soo jiidin, cawradoodana ma qaawin, sababtoo ah way ku soo barbaarsadeen, waxayna kula soo tiir iyo tacab beeleen in ay sharafkooda, iyo gobbonimadooda dhowrto wayna ilaalisay.

Haddii aad cowro qaran ku haystaan, waad ka gardaran tihiin, sow taad horay ii qaawiseen oo cawradayda dibadda u soo dhigteen, weliba ummado kale oo beri i aqoon jiray ayaa mararka qaar cawrada asturo i yiraahda.

Sow taan dunida musuqa kaalinta koowaad kaga jiro, sow taan dawladaha fashilmay kuwo ugu horreeya ahay, sow tan dayntii la igu lahaa faraqa la ii haysto, sowtan ajnabi i ilaaliyaan, sow tan kun daykayga hal meel qudha looga jaray, sowtan qarax, qax, gaajo iyo colaad, qab qab dhaafay iyo qabiil isku dilaysaan, goormaad qajisheen?

War iga xishooda, qaran aad qaawiseen baan ahay oo haddana aad cawradiisa in la arko ka qajilaysaan.

The post CC Shakuur: Qarankii oo la careysan cawradiisa ayaa soo toosay isagoo ku qeylinaya… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this