Sign in to follow this  
Deeq A.

Arrinta la gudboon dadka Muqdisho inta uu socdo wejiga 2-aad ee dagaalka Al-Shabab

Recommended Posts

Deeq A.   
Muqdisho.png?fit=1920%2C1080&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Argagixisada marwalba oo ay la kulmayaan cadaadis dagaal waxay isku dayaan inay iyaguna xanuujiyaan shacabka Soomaaliyeed, si ay dowladda ula kulanto cadaadis kale dagaalkuna u joogsado.

Shacabka reer Muqdisho waa kuwa ugu badan oo ay argagixisada ka aarsato marwalba oo ay la kulmaan culeys.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horraanta asbuuca soo aadan u guuraya deegaanada Galmudug, hadafkiisa u weyn waa inuu argagixisada soo dhaafiyo Galmudug.

Argagixisada waxay ka dharagsan tahay inuu kusoo wajahan yahay guluf aan qarsooneyn, waxay dareemayaan culeyska duulaanka kusoo wajahan oo uu madaxweynihii dalka dhexda ka fadhiyo.

Illo wareedyo ka tirsan laamaha amniga ee dowladda federaalka ayaa laga soo xigtay xogo ah in argagixisada ka fikireyso dhibaateyn shacab. Wejigii hore ee dagaalka waxaa la xasuusta in argagixisada ay fulisay qaraxii Zoobe 2 ee dhacay 29-kii October 2022.

Ujeedka qaraxaas ayaa ahaa inay kooxda ka aarsato shacabka Soomaaliyeed ee go’aansaday inay ka xoroobaan gumaadkooda joogtada ah iyo cabsida.

Markale waxaa jirra dareen ah in kooxda allifeyso weeraro shacab oo ay ku dhimeyso miisaanka wejiga labaad ee dagaalka.

Laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya iyo shacabka waxaa horyaalla dhowr arrimood.

Haddii aan ku horeyno laamaha amniga

Hay’daha amaanka ee dowladda federaalka, gaar ahaan kuwa Muqdisho waxaa laga rabaa inay laba jibaaran shaqadooda la bogaadiyay waayahan, iyaga oo ku baraarugsan waxa ka imaan kara kooxaha argagixisada, inta lagu jiro wejiga labaad ee dagaalka.

Maalmihii tegay waxaa la sheegay inuu dabcay hanaanka baarista ee ciidamad jooga waddooyinka caasimadda, taas oo haddii aan sidii hore lagu soo celin keeni karta inay argagixisada ka gudubto baraha amniga kadibna ay dhibaateeyso shacabka.

Midda labaad waa dadka reer Muqdisho

Marwalba oo uu socdo dagaal foojignaantu waa dardaaran muhiim ah. Argagixisada waxaa bartilmaameed u ah guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, si gaar ah dadka Muqdisho degan.

Shacabka caasimadda ku nool waxaa hortaalla inta uu socdo wejiga labaad ee dagaalka inay la yimaadan foojignaan intii hore ka duwan, gaar ahaan goobaha bulshada ku badan tahay iyo kuwa habeenkii lagu fiidsado.

Sidoo kale garabsiinta laamaha amniga ee xilligaan waxay leedahay muhiimad gaar ah, si loo badbaadiyo shacabka ay argagixisada rabto inay ka aarsato.

The post Arrinta la gudboon dadka Muqdisho inta uu socdo wejiga 2-aad ee dagaalka Al-Shabab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this