Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Ganacsiga Somaliland oo la Kulmay Hay’adda Ganacsiga Dibadda Taiwan

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Ganacsiga Somaliland oo la Kulmay Hay’adda Ganacsiga Dibadda Taiwan

Weftiga Somaliland ee ku sugan dalka Taiwan ee uu hoggaaminayo Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Maxamuud Xasan Sacad Saajin ayaa kulan balaadhan la qaatay Hay’adda Horumarinta Ganacsiga Dibadda ee dalka Taiwan (TIATRA).

Waxa is faham laga gaadhay kobcinta ganacsiga labada dal, siddii suuqyada ganacsi ee labada dal ay ugu furmi lahaayeen ganacsatada, xog is waydaarsiga iyo isku xidhnaanta ururada ganacsiga ee labada dal iyo in si wadda jir ah loo abaabulo bandhig-yo ganacsi (Trade Exhibitions).

Warku wuxuu intaas ku daray in Shirkadaha Taiwan ay u soo jeedaan inay fursado maalgashi ka sameeyaan Somaliland oo ah dal dihin oo khayraad badan leh suda xeebta dheer, Xoolaha iyo Beerahaba.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this