Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro BF oo tallaabo u qaaday wax ka beddalka dastuurka

Recommended Posts

Deeq A.   
362671404_608638154780157_45062730827581

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta guddoomiyay kulan gaar ah oo ay yeesheen xubnaha guddiga joogtada ah, kaas oo lagu soo qaaday arrimo xasaasi ah.

Kulankan oo ahaa kii 26-aad ee guddiga ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Sacdiya Yaasiin iyo ku xigeenka 2-aad Cabdullaahi Abshirow.

Inta uu socday kulanka ayaa waxaa lagu soo bandhigay ajende la xiriira ansixinta wax ka beddalka dastuurka, kaas oo ay weli ka taagan tahay dood xoogan.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday heshiisyada muhiimka ah ee horyaalla golaha iyo hindise sharciyeedyada kale ee ay soo gudbiyeen golaha wasiirada Soomaaliya.

“Kulanka 26-aad ee Guddiga Joogtada oo ajandihiisu ahaa habraaca ansixinta wax ka bedelka dastuurka KMG iyo ajandeynta hindise sharciyeedyada iyo heshiisyadda horyaala Golaha Shacabka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed laga soo saaray kulanka.

Dhinaca kale xubnaha guddiga joogtada ah ee golaha shacabka  ayaa dood dheer kadib waxey isku raaceen in la ajandeeyo habraaca, heshiiska horyaalo iyo hindise Sharciyeed-yada ay Xukuumadda usoo gudbisay baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Arrintan ayaa qayb ka ah shaqada baarlamaanka oo maalmihii lasoo dhaafay dardar ku socotay, maadaama doodo xoogan ay hareeyeen kulamadii u dambeeyay.

Doodda wax ka beddalka dastuurka oo soo ifbaxday kadib heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ayaa weli taagan, ayada oo arrintaasi ay xasaasiyad ku abuurtay mucaaradka.

Si kastaba, tallaabada uu qaado baarlamaanka ayaa laga war sugayaa, maadaama uu leeyahay go’aanka ugu dambeeya ee wax lagu beddali karo, ama lagu diidi karo.

362668923_608636821446957_30986253950502 362671404_608638154780157_45062730827581 365077353_608636548113651_24105272205922 365200506_608636944780278_75203674044316 Dhuux.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 guddoomiy.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 Iidow.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 Samad.jpg?resize=696%2C464&ssl=1

The post Sawirro BF oo tallaabo u qaaday wax ka beddalka dastuurka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this