Sign in to follow this  
Deeq A.

Agaasimaha Gaashaan-dhiga oo la Kulmay Sarkaal Ciidan oo Ingiriis ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Agaasimaha Gaashaan-dhiga oo la Kulmay Sarkaal Ciidan oo Ingiriis ah

Hargeysa(Qaran news)-Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Gaashaandhigga JSL Mudane Mustafe Cumar Faarax ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Mr Lt. Col. Ash Wiseman oo ah u qaabilsamaha Arimaha Ciidamada (British Defence Attache)

Waxay ay ka wada hadleen labada masuul Arimo Khuseeya nabadgalyada labada Dal Iyo Guud Ahaan Geeska Afrika oo ay ka mid yihiin Argagixisadda Iyo Khataraha kale ee Khuseeya Nabadgalyada waxa Kale oo laga wada hadlay Iskaashiga soo jireenka ah ee Somaliland iyo British gaar ahaan kobcinta dhinacyada Tababaradda

Ugu dambayn waxa ay Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Gaashaandhigga Iyo kornelku isla afgarteen inay yeeshaan kulamo dambe iyo wada shaqayn dhexmarta labada dhinac layskana kaashado mushkiladaha amni ee ka jira mandaqada Geeska Afrika.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this