Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha Ciidanka Xeebaha oo la kulmay Wefti ka Socday EUCAP

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha Ciidanka Xeebaha oo la kulmay Wefti ka Socday EUCAP
IMG-20230803-WA0001.jpg

Hargeysa(Qaran news)-Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha JSL Admiral Axmed Hure Haariye ayaa maanta Xafiiskiisa Ku qaabiley Madaxda Hay’adda EUCAP.

Taliyaha iyo saraakiishan ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay dhisme lagu balaadhinayo gidaarka xerada Ciiddanka illaalada xeebaha.

Dhulkaasi Lagu kordhinayo Gidaarka Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee la dhax-dhigay waxaa Ciidanka ugu deeqay Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani.

Waxaa kale oo saraakiisha ka socday hay’adda EUCAP ay ku wareejiyeen Taliyaha qalab kala duwan oo ay ugu talo galeen in Ciidanka illaalada xeebuhu adeegsadaan.

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha JSL Admiral Axmed Hure Haariye ayaa si rasmi ah agabkaasi ugu wareejiyey Saldhigayada Ciidanka Iyo Xafiisyada Kala Duwan ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this