Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirrada oo isku Guubaabiyay u diyaar-garowga Doorashooyinka iyo shirka Xisbigooda

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Wasiirrada oo isku Guubaabiyay u diyaar-garowga Doorashooyinka iyo shirka Xisbigooda
IMG-20230803-WA0000.jpg

Hargeysa(Qaran news)-Fadhigii 115aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa war-bixin guud oo la xidhiidha amniga Dalka goluhu ka dhegeystay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane, Maxamed Kaahin Axmed. Waxa kale oo goluhu war-bixin ka dhegeystay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire oo ka hadlay qodobbo ay ka mid yihiin dhaqaalaha guud ee dalka.

Sidoo kale, goluhu wuxuu lafo-guray doorashooyinka dalka ku soo fool leh iyo sidii Xisbiga Kulmiye ugu diyaar-garoobi lahaa u tartamidda ka mid noqoshada saddexda Xisbi Qaran ee tobanka Sanno ee soo socda iyo u diyaar garowga shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye u qorshaysan 20-Augst-2023 inuu ka qabsoomo Magaalada Burco.

Dhinaca kale, waxa golaha loo qaybiyey qabyo-qoraalka Xeerka Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda Somaliland oo ay soo diyaariyeen Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo Xafiiska Garyaqaanka Guud, waxaana faah-faahin dheeraada golaha ka siiyey Garyaqaanka Guud.

Ugu danbayn waxa goluhu Dood iyo falanqayn qaadatay laba fadhi ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen Qabyo-qoraalka Xeerka Ilaalinta Xogta Elektarooniga ah (Data Protection ACT), iyadoo loo gudbin doono Golayaasha Sharci-dejinta si ay uga gutaan Shaqadooda Dastuuriga ah.

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this