Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo qaabilay safiirka dowladda Itoobiya u qaabilsan Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1691071536525.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha Puntland ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay safiirka dowladda Itoobiya u qaabilsan Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Deni uu qaabilay safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Mukhtaar Maxamed Waare.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada Puntland ku qaabilay Safiirka Dowladda Itoobiya ee Soomaaliya Amb. Mukhtaar Muxammad Waare” ayaa lagu yiri warka Madaxtooyada.

Qoraalka Madaxtooyada laguma sheegin Ajandaha ay ka wada-hadleen Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo safiirka dowladda Itoobiya u qaabilsan Soomaaliya Mukhtaar Maxamed Waare.

Kulanka Madaxweynaha iyo safiirka Itoobiya waxaa goob-joog ahaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo Qunsuliyada Itoobiya ee Puntland.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo qaabilay safiirka dowladda Itoobiya u qaabilsan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this