Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka golaha wasiirada oo lagu ansixiyay gole cusub

Recommended Posts

Deeq A.   
365400110_643821661180317_53780724293223

Muqdisho (Caasimada Online)  – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta oo Khamiis ah guddoomiyahy shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada, kaas oo ay inta badan goobjoog ahaayeen wasiirada xukuumadda Dan-Qaran.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan amniga, arrimaha Canshuuraha, Xajka, Ciyaaraha iyo qodobo kale.

Waxaa sidoo kale shirka lagu ansixiyay Gole cusub iyo sidoo kale hiNdise sharciyeed muhiim ah, sida lagu shaaciyay qoraal laga soo saaray kulanka kadib.

Golaha wasiirada ayaa ugu horreyn meel-mariyay Golaha Maamulka Sare ee Hay’adda Istaatiistikada Qaranka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha oo ka kooban sideed xubnood.

Ujeeddada loo magacaabay Golahan ayaa ah, si loo dardargeliyo howlaha iyo shaqada baaxadda leh ee horyaalla hay’adda, loona dhammeystiro sharciyadda dhismaha gole maamul sare oo tayo leh.

Sidoo kale inta uu kulanka socday ayaa waxaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Shaqada Soomaaliya oo ay golahanu soo gudbisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Golaha Maamulka Sare ee Hay’adda Istaatiistikada Qaranka Soomaaliyeed.

Intaas kadib golaha ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyey Hindise Sharciyeedka Shaqada Soomaaliya, kaasi oo wax weyn uga beddeli doona xaaladda iyo xuquuqda shaqo ee shaqaalaha dowladda iyo kuwa shirkadaha gaarka.

Dhanka kale golaha warbixino ka dhageysttay qaar kamid wasiirada, kuwaas oo  la xiriiray Amniga dalka, Canshuuraha, Ciyaaraha iyo Arrimaha Xajka, kuwaasi oo laga dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha, Gaashaandhigga, Maaliyadda iyo Diinta iyo Awqaafta.

Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga ayaa si gaar ah warbixinadooda diiradda ugu saaray amniga iyo guulaha laga gaaray howlgalladii ugu dambeeyay ee dalka ka dhacay.

363015217_643820271180456_65686423932715 363043893_643820654513751_20260158546631 365265547_643821621180321_58211165729449 365395214_643821747846975_11922032918423 365400110_643821661180317_53780724293223 365408928_643821637846986_36405129923807 365410312_643821594513657_27792348757546 Barre.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 biixi.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 Bukhaari.jpg?resize=696%2C464&ssl=1

The post Shirka golaha wasiirada oo lagu ansixiyay gole cusub appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this