Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir ka tirsan Puntland oo sheegay in odayaasha dhaqanka siyaasadda laga saaro

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1691046842624.jpg?resize=720%2C48

Wasiirka Caddaaladda Puntland Maxamed Cabdiwahaab ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka u baahan tihiin in siyaasadda laga saaro.

Wasiirka ayaa tilmaamay in doorka odayaasha dhaqanka uu yahay hormarinta arrimaha dhaqanka iyo heshiisiinta khilaafaadka beelaha dhexdooda ka jira.

“Odayaasha dhaqanku waa muunad bulsho oo mudan xurmo iyo qadarin, una baahan in siyaasadda laga saaro” ayuu yiri mudane Maxamed Cabdiwahaab oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook.

“Doorkoodu waa hormarinta arrimaha dhaqanka, iyo  heshiisiinta khilaafaadka beelaha dhexdooda ka jira” ayuu sii raaciyay wasiirka oo ku doodaya in odayaasha siyaasadda laga saaro.

Wasiirka ayaa dhinaca kale siyaasiyiinta mucaaradka ah ku tilmaamay kuwa siyaasadda ku wareeray oo raba in ay odayaasha dhaqankana ku wareeriyaan siyaasad.

PUNTLAND POST

The post Wasiir ka tirsan Puntland oo sheegay in odayaasha dhaqanka siyaasadda laga saaro appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this