Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo ka tirsan Puntland oo xalay gadood ka sameeyay magaalada Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka loo yaqaan Goodirka oo ka tirsan Booliska Puntland ayaa xalay gadood ka sameeyay gudaha caasimadda Garoowe.

Wararka ayaa sheegaya in ciidanka Goodirka oo ku sugan garoonka ciyaaraha Garoowe ee Mire Awaare ay isku dayeen in ay halkaas ka guuraan amar la’aan kadib markii ay gadoodeen.

Wararka ayaa intaas ku daraya in sidoo kale ciidankan ay rasaas ku rideen taliyahooda kadib markii uu ku amray in aysan ka bixi karin halkaas.

Lama soo werin wax khasaare ah oo ka dhashay rasaasta waxaana markii danbe lagu guulaystay xallinta gadoodkii ciidanka oo dib loogu celiyay xaruntoda .

PUNTLAND POST

The post Ciidamo ka tirsan Puntland oo xalay gadood ka sameeyay magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this