Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir Lagu Darsayo Xisaab-xidhada Dawladaha Hoose oo lagu Qabtay Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Shir Lagu Darsayo Xisaab-xidhada Dawladaha Hoose oo lagu Qabtay Hargeysa

Hargeysa(Qaran news)-Hantidhowraha Guud ee Qaranka JSL Mudane Axmed Yuusuf Dirir oo uu Weheliyo Ku-xigeenka Hantidhawraha Guud ee Qaranka JSL Mudane Sacad Riiraash ayaa Furay Shir Hawleed ku saabsan Dib-u-eegista iyo Dar-dar Galinta Xisaab-xidhka Dowladaha hoose ee Sannadkii 2022 oo qayb ka ah Xisaab-xidhka Dawladda ee dhawaan Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland loo gudbin doono.

Shirka waxa ka soo qayb-galay masuuliyiinta Wasaaradda Horumarinta Maaliyada, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud Ee Dowladda, oo kala ah Wasiir ku-Xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyada, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyada, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha, Xisaabiyaha Guud Ee Dowladda, Xisaabiye Ku-Xigeenka Guud ee Dowladda iyo Agaasimayaasha Waaxyaha ee ay shaqadani khusaysay.

Gaba-gabadii shirka waxa la iskula qaatay in wixii qabyo ah la dhammaystiro, kulan danbena lala yeesho Wakaaladaha iyo Hay’adaha Dawladda ee macaashka sameeya.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this