Sign in to follow this  
Deeq A.

Tababar sare oo loo soo Xidhay Saraakiil ka Tirsan Ciidanka Qaranka

Recommended Posts

Deeq A.   

Tababar sare oo loo soo Xidhay Saraakiil ka Tirsan Ciidanka Qaranka

Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka wasaaradda gaashandhiga Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiqani Maxamuud ayaa maanta tababar u soo xidhay saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidanka Qaranka JSL.

IMG-20230802-WA0007.jpg

Tabbabarkan saraakiisha loo soo xidhay socday muddo 4 bilooda, kaas oo lagu baray saraakiishan xirfadaha GIS iyo Topograph, isla markaana dalka dibeddisa loo tagi jiray.

Wasaaradda gaashandhiga JSL iyada oo ka duulaysa muhiimada ay ciidanka u leedahay barashada xirfadahani ayay ka suurtagelisay markii u horraysay in dalka gudihiisa lagu lagu barto.

Munaasibada xidhitaanka tababarkan waxa ka soo qaybgalay wasiirka wasaaradda gaashandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateey (Fariid), agaasimaha guud ee wasaaraddaasi Mustafe Cumar Faarax iyo Abaanduulaha ciidanka Qaranka JSL, Cabdirisaaq Siciid Bulaale (Af Guduud).

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this