Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Gaashaandhigga iyo ku-xigeenkiisa oo maanta hortegay guddiga amniga BF

Recommended Posts

Deeq A.   
Jaamac.jpeg?fit=2048%2C1366&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo wasiir ku-xigeenka wasaaradda Xildhibaan Cabdifataax Qaasim ayaa maanta hortegay guddiga amniga iyo difaaca ee Golaha Aqalka Sare.

Kulankaan ayaa waxaa wasiirka iyo ku-xigeenkiisa lagu weydiiyay su’aallo dhowr ah, oo la xiriira amniga dalka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, oo maraya meel xasaasi ah.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, guddiga ayaa waxay wasiirka gaashaandhigga wax ka weydiiyeen qaraxii dhawaan ka dhacay kuliyadda Jaalle Siyaad, kaasi oo khasaare xooggan uu kasoo gaaray ciidamada dowladda.

Sidoo kale waxay guddiga warbixin dheer ka dhageysteen wasiirka gaashaandhigga, taasi oo ku qotomtay halka uu marayo dagaalka Al-Shabaab, xilli dhawaan lagu wado inuu billowdo wejiga labaad ee howl-galladaasi, kaasi oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska ah.

Guddiga ayaa wasiirka gaashaandhigga iyo ku-xigeenka wasaaradda uga mahad-celiyay sida ay usoo ajiibeen yeeristii guddiga, ayna uga jawaabeen su’aalihii ay hordhigeen, “Aad ayaa ugu mahad-celinayna sid uu noogu imaaday, wuxuu na siiyay warbixino muhiim ah,” ayaa lagu yiri bayaan kooban oo kasoo baxay guddiga.

“Waxaa rajeynayaa dhawaan in aan aragno waddankeena oo xor ah, oo sidaan doono ugu soconeyno,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka guddiga oo lagu xusay in meel fiican marayaan howl-gallada ka dhanka Shabaab, sida uu wasiirka la wadaagay.

Kulankaan ayaa imanaya xilli xildhibaanada qaarkood ay dalbadeen in masuuliyiintan hay’adaha amniga loo yeero, si wax looga weydiiyo weerarkii kuliyadda Jaalle Siyaad oo loo xiray saraakiil sare, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa dhaleeceyn iyo eedo masuuliyad darro kala kulmeysa sidii loo fuliyey weerarkii is-miidaaminta ahaa ee Al-Shabaab ay ku laayeen ciidankii dhibowga ku qaadanayey kuliyadda tababarrada ciidamada xoogga ee Jaalle Siyaad.

Khasaaraha rasmiga ah ee weerarkaas ka dhashay waa dhimashada 27 askari iyo dhaawacyada 72 kale, khasaarahaan uu geystay hal qof oo is qarxiyey oo ciidanka oo feylsan banaanka ka soo galay ayaa layaab ku noqotay dadka iyo dowladda.

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa maalin kadib si caro leh u sheegay inuu tuhmayo inay jiraan saraakiil ‘qaa’imiin ah’ oo weerarkaas fududeysay, isagoo wasaaradda difaaca iyo taliska xoogga ka dalbaday inay deg deg warbixin uga keenaan baaritaanka qaraxaas.

Maalinkii xigay wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga ayaa golaha shacabka ka hor sheegay in 14 qof oo saraakiil iyo askar isugu jira loo xiray weerarkaas, isla markaana ay socdaan baaritaano culus.

Maalinkaas waxaa sidoo kale golaha hor tegay wasiirka gaashaandhigga oo xildhibaanada qaar kala kulmay caro sababtay in qaarkood ay si cad u sheegaan in wasiir Jaamac uusan qaadi karin masuuliyadda loo dhiibay ee wasaaradda difaaca qaranka.

The post Wasiirka Gaashaandhigga iyo ku-xigeenkiisa oo maanta hortegay guddiga amniga BF appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this