Deeq A. Posted August 2, 2023 Booliska oi Beeniyay in Taliyahoodu is Casilayo Hargeysa(Qaran news)-Ciidanka Booliska Somaliland ayaa beeniyay inuu is casilayo taliyahooda sareeye Gaas, Maxamed Aadan Saqadhi (dabogale). Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Taliska Guud ee Ciidanka Booliska, waxaanu u dhignaa sidan:- “Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu beeninayaa warar beena oo lagu faafiyay baraha bulshada kaasi oo sheegaaya in uu iscasilay taliyaha Ciidanka Booliska JSL Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi, Taliska Ciidanka Boolisku waxa uu caddaynayaa inaanay wararkaasi waxba ka jirin, tahayna warar been abuura oo ay faafinayaan cadawga JSL. Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu dalka dibadiisa ugu maqan yahay arrimo shakhsiya, waxaanu imanayaa maalinka berri ah subaxnimada haddii eebbo idmo.” Qaran News Share this post Link to post Share on other sites