Sign in to follow this  
Deeq A.

Fal-celin caro leh oo ka dhalatay tallaabadii DF ay iskaga leexisay fadeexaddii…

Recommended Posts

Deeq A.   
1920px-Coat_of_arms_of_Somalia.svg-1.png

Muqdisho (Caasimada Online) – Bulshada Soomaaliyeed ayaa si carro xooggan leh uga fal-celisay in dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha, ay iska fogeysay fadeexaddii dalkeenna kasoo raacday tartankii orodka ee Shiinaha.

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya, Maxamed Barre Maxamuud oo shir jaraa’id qabtay ayaa iska fogeeyay in wasaaraddu ay wax door ah ku laheyd xulidda gabadha Soomaaliya ku metaleysay tartankaasi oo lagu magacaabi Nasra Abuukar Cali.

Wasiir Barre ayaa sheegay in tartanka uusan aheyn heer qaran, balse uu ahaa midka jaamacadaha aduunka, islamarkaana gabadhaas aysan soo xulin wasaaradda, balse marka ay baxaysay kaliya lasoo ogeysiiyay, isaga oo eedda dusha ka saaray xiriirka diray.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ka wasaarad ahaan ay aad uga xun yihiin, kana raalli-gelinayaan bulshada sida wax u dhaceen iyo guul-darrada weyn ee soo gaartay Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in ka wasaarad ahaan ay qaadayaan tallaabo ku aadan arrintaan, islamarkaana ay baarayaan, sida lagu soo xulay Nasra. Hase yeeshe bulshada Soomaaliyeed waxaa u cuntami weysay in wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha ay waxba ka ogaan weydo hab xulista gabadhaas, iyada oo guul-daradda tartankaasi kasoo raacday Soomaaliya ay u horseeday fadeexad weyn.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Maxamed Cabdulqaadir: “Gabadha heer qaran ma aha, hadana wiilka waa heer qaran oo tababaro qaatay, sidee hal tartan oga wada qeyb-gali karaan labadooda. Warkaga wa isdidayaa.”

Cabdinuur Wayrax ayaa isna waxa uu yiri “Imisa wasaaradood oo ciyaaraha ah ayaa dalka ka jirra?.”

“War naga xishooda cawaan yahay calanka meesha ka babanayo jaamacad miyaa leh mise ummada Soomaaliyeed, ceeb u dhinta iyo waji gabax dalkii iyo gabadhiiba waad ceebayseen,” ayuu yiri Garaad Xabiib Maxamed.

Yaxye Xaaji Jucsade: “Shaqsi walba oo xilka laga qaadaayo waxbuu sababsadaa laakiin gabaadhaan ayaa kula kacday ee sabar badan muuji!!! Meesha ‘Een Een’ laga ma rabee.”

“Tartan ay Soomaaliya ka qeyb-gashay oo wasaarada ogayn waa maxay?, war waxaas waxay ceeb ku tahay wasaarada,” ayuu yiri Axmed Cabdi Faarax.

Cumar ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Hadduu ra’iisul wasaaraha ku bedeli waayo, waxaa xaqiiq noqonaysa kalamadda DAN-QARAABO.”

Rooble Macalin Axmed: “Wasiir warkaas macquul maaha.”

“Waxaas ma kaa saareeso mudane xisaab ayaa idiin taal,” ayuu yiri Ismaaciil Mire

Mukhtar Cilmi ayaa isna waxa uu yiri: “Warkaan hala cadeeyo wax la qaadan karo ma ahan in magaca Soomaaliyeed meel loga dhaco.”

“Warkaas cid kaa aqrisaneyso majirto, markii la sagootinaayay agasimaha wasaarada dhalinyarada iyo sports-ka ayaa taagnaa sheekooy kunacay,” ayuu yiri Ibraahim Cumar.

Maxamed Nuur Macalim Maxamed: “Hadaa guul-dareeysato qof walba wuu ku inkiraa yaab!.”

Kamaal Obsiye ayaa isagna waxa uu yiri “Wali waad sii hadlaysaan isku xishooda magacii Soomaaliyeed sharaftiisa ayaad dhulka la gashayn wasiirkii ciyaaraha dhan baa ogayn gabadhaas yaab!.”

The post Fal-celin caro leh oo ka dhalatay tallaabadii DF ay iskaga leexisay fadeexaddii… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this