Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaallo ka qarxay Gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaallo ayaa dib uga qarxay gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya , kaaso u dhaxeeya militariga Itoobiya iyo jabhadda hubeysan ee Fano.

Illaa afar magaalo oo muhiim u ah gobolkaa oo ay ku jirto magaalada taariikhiga ah ee Lalibela ayaa la sheegaya kooxda Fano inay gudaha u galeen.

Tallaabadaas ayaa dhalisay in uu istaago isku socodka , duullimaadyada ayaanna ka joogsaday magaalada Lalibela oo la sheegay garoonka diyaaradaha inay qabsadeen jabhadda Amxaarada.

Militariga ayaa la sheegay in ay qaadayaan tallaabooyin ka dhan ah kooxda Fano, sida laga soo xigtay afhayeenka ciidanka Difaaca Itoobiya , Col. Getnet Adane.

Dhinaca kale , Madaxweynaha gobolka Amxaarada, Yilkal Kefale ayaa laga soo xigtay inuu dadaal ku bixin doono colaadda sidii xal looga gaari lahaa , isagoo markaa caddeeyay inuu xafiiskiisa u furan yahay wada-hadal in lagu dhammeeyo xaaladdan cusub.

PUNTLAND POST

The post Dagaallo ka qarxay Gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this