Sign in to follow this  
Deeq A.

Toogasho ka dhacday Qunsuliyadda Sweden ku leedahay Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   
f2a0c121-c0b9-4c77-a214-73e11b2c26ae_w40

Shaqaale Turkish ah, oo ka howlgalayey qunsuliyad sharafeed ay Sweden ku leedahay magaalada Izmir ee galbeedka Turkey ayaa lagu toogtay, oo si darran loogu dhaawacay bannaanka dhismaha qunsuliyadda.

Xafiiska barasaabka Izmir ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in muwaadin Turkish ah oo degan gobolka bari ee Agri loo xiray falkan.

Booliska ayaa baaraya dhacdadan, ayuu intaas ku daray xafiiska.

Qunsulka guud ee Sweden ayaa maanta oo Arbaco ah u safraya Izmir, si uu xog dheeraad ah uga helo dhacdada, ayey tiri wasaaradda arrimaha dibedda Sweden.

Wasaaradda ayaa sheegtay in ay wadahadal dhow la leedahay qunsulkeeda guud ee Istanbul iyo shaqaalaheeda Turkey.

Qunsuliyadda Guud waxay xiriir la sameysay Qunusliyad Sharafeedka Izmir iyo mas’uuliyiinta deegaanka, ayey tiri wasaaradda arrimaha dibedda Sweden.

Weerarka ayaa imanaya ayada oo bilihii dhowaa ay xiisan ka dhex oogneyd Turkey iyo Sweden.

PUNTLAND POST

The post Toogasho ka dhacday Qunsuliyadda Sweden ku leedahay Turkiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this