Sign in to follow this  
Deeq A.

Gadgadoonka Waayaha iyo Giraan Wareega Taariikhda.

Recommended Posts

Deeq A.   

Gadgadoonka Waayaha iyo Giraan Wareega Taariikhda.

Aduunka aynu ku guud suganahay waa goob, uu Illaaheena weyn ee waligii Jiraha ahi uu u qoyndeeyey in uu Aadamaheena ku Jiribo ama inagu imtixaano, taas oo ah arin si Cad oo mugdi iyo sarbeeb lahayn laynagu war geliyey, sidaa aawadeed Dhacdooyinka Dunida guudkeeda Aadamaha kusoo mara kuwooda wax yeelada leh iyo kuwooda waxtarka leh labaduba wey kusoo noqnoqdaan!, Hadii Dhacdooyinka waxyeelada leh lagu cimro qaadan, waxay geesteen oo aan laga waantoobin wixii sababay waxa Hubaal ah in ay soo noqnoqdaan ilaa intay Ummadday asiibeen ku cimro qaadanayso!, oo ay ka waantoobayso wixii sababay, Sidoo kale wixii Wanaag Nimco iyo Barwaaqo leh ee Aadamaha Soomara haday Illaahii siiyey u Mahad celiyaan oo wanaag iyo Shukri ay Illaahii siiyey Caabudaad ugu Mahad celiyaan Illaahay wuu usoo celceliyaa Nimcadaa isaga oo Mowleh usii kordhiya, Se Aadamuhu waa Daciif hadana wuu kibir badan yahay waxna ma dhugto mana dhaado oo Dhakhso ayuu wax walba u ilaawaa, oo sida Raha ayuu Barwaaqada iyo Nabada kibir la dhawaaqa!, Abaaraha iyo Xiliga xunna Aadamuhu wuu Gaabgaabsadaa oo intay is galuumaan ayey Gacmo kor u fidin u faytaan iyo Illaahow adaa weyn, Illaahay ayaa weyn se waa in laxusuusnaadaa Mowle Marwalba oo kibirka laga waantoobaa.

Waxa ay ahayd 26kii Juun 1960kii, Markii shacabkii kasoo jeeday Jamhuuriyada barakaysan ay Xoriyada ka qaateen Isticmaarkii reer Yurub, waxa ay judhiiba u hayaameen Koonfur si ay ula midoobaan walaalahooda Koonfureed oo markaa weli hoos hadhsanaayey Isticmaarkii, waa tii 01 Luulyo ama Julay 1960kii walaalaha Koonfureed xoriyada ka qaatay Isticmaarkii reer Yurub ee isticmaarsiga ku taabay Dhulkii Hooyo, waatii labadii deegaan iyada oo aan waxba kala qoran Maalin Midow oo ay wada leeyihiina aan la samayn! Hadana waa midowdeen layidhi, waa meel Illaahay wax kawadaye waata dalkii da’da weynaa ama hor dhashay la xaq iyo Xeerba la duudsiiyey, inkastoo jireen Dad ka dhiidhiyey hadana waakii waxay maaganaayeen iyo inqilaabkoodii dhicisoobay, waxa uu dulmi iyo Xaq-duudsiintu siisoctaba waatii 6dii Abril 1981kii ay Hubka boobeen ee Londhon ay kaga dhawaaqeen Dhaqdhaqaaqii wadaniyiinta Barakaysan ee ‘SNM’, waatii naf iyo maalba loo huray sidii Dalka looga xorayn lahaa Xukunkii askarta xagarku ku go’naa ee Cidna dhag u jalagsiin jirin ee xoogga, Dilka, Dayaaradaha, Dabaabaadka iyo Dagaalka wax ku xalin jiray, waatii Taliskii keli Taliska ahaa yidhi Shanta Wiil ee injirta leh waxba ka dhaqaysan maayo ee Dhaqtaan Dhiiga u darayaa.

Waa tii Xukunkii keli Taliska Shuuciga ahaa uu Heshiiska la galay keli-Taliskii kale ee Migiste Xayle-maryam ee yidhi ii soo Didi’ Shanta injirta leh!.

Waatii 27-May-1988 Urarkii Dulmi Diidka ahaa ka dhex Toosay Magaalo Madaxdii Gobolka Togdheer ee BURCO, Waatii Halgankii Xaq-U-Dirirku Dalka wada maasheeyey ee laga yidhi ‘War mahayside Waqooyi-HILLAAC’, waatii Dulmi Diidnimo Naf, Maal iyo Magaalooyin Dhisan oo Camiran loo huray!.

Wuxuu Halganku socdo waatii 18-May-1991kii Dib loo Unkumay Jamhuuriyadii Barakaysnayd, wixii Dhib loosoomaday iyo tisqaadkii wixii dhib ina kala gaadhay dadkaygu inuu ku cimro qaato ayey ahayd ee Maxaa Qaldan?.

Horta aniga 1988kii dhalaankii lala qaxay ee Dulcad, Camb-Abokor, Rabaso iyo Daroor DaadSanaa ayaan ka mid ahaa ee rafaadka iyo qaxa guclo roor ka ah halkaa lagu geeyey, waxa ii Dheeraa hadana waxa aan ka mid noqday Dhalaankii Dhulka shisheeye ee Qaaradaha fog loola kacay, waxa aan ku barbaaray Aniga oo Qoxoonti ah qaarada Yurub, waxa ku koray oo ku qaan-gaadhay oo ku Aroostay oo aan Aabo ku noqday oo aan maantana Awow ku ahay Yurub, qaxii waagii ayaan weli Dhulkii Hooyo kaga maqanahay, waxa Qaxaa waagaa 1988kii iBaday waxa uu ibaray ayaa wax walba igaga Daran!, waayo Aniga iyo Ubadkaygu Afkii Hooyo si hagar la’aan ah uguma wada hadalno ee Af Shisheeye ayaanu kuwada arinsanaa oo arin iyo xaajaba ku wada gorfaynaa!, Se Calool-yowga, Murugada, Uurkutaalada iyo Niyad xumada aan qabo Alle ayuunbaa og!.

Waayo waxa niyada aan ku hayey Dalkaagii Hooyo ayaad Dib ugu Celin Ubadkaaga iyo Ubadka aad Awowga u tahay Ood Odhan Dhulkii Hooyo waa kane ku Dhaqmoo ku Dhaqda.

Waxa se Nasiib daro ah Dhowr iyo Sodon sanadood kahor waxa aan u soo joogay ayey maalintan Maanta ahi U sansaan eegtahay iyo Dheg layskuma jalaqsiinayee Rasaas Fariina aynu ku doodno, Hadii laysku joojin oo lawada hadlayn oo Dhegba laysku jalaqsiinwaayo, oo wax isku ahaansho iyo wax wada lahaanshihii loo xooro, oo Tabtii Askartii shuuciga ahayd ee Ummadda kala irdhaysay loo Dhaqmo, Maxaa isbidalay Maxaa se la fishaa soo Gadgadoonka Waayuhu Giraan Wareeg Taariikhdii Hore oo kele Maaha!.

Allow Allahayow Markale Waqooyi yuu Hillaacin, Aamiin.

Khadar Nimco Qadiijo (Fartaag).

Fartaagmuwaadin@gmail.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this