Deeq A. Posted August 2, 2023 Ninman baa deri goor habeen ahayd ku soo baxay reer tulud qalanaya, oo si degdeg ku jiray u qurbaya holibihii neefka. Markaasuu mid nimankii ka mid yidhi, “Alla, waar waa maxay reerkan neefka geela goortan qalanayaa?” Nin ka mid ahaa nimankii ay wada socdeen ayaa u jawaabey ninkii oo ku yidhi, “Xalaal ifin baa la qashaa.” “Waa runtaa,” ayuu ninkii su’aasha waydiiyey yidhi. Reerkii nimanki kumay weecan. Way iska dhaafeen reerkii tuludda ay qalanayey ayagoo cid ay u hoydaan u haahnaa. Arrin kasta oo bini aadam ku kaco waxaa uu yeeshaa oo u ku dhammaadaa laba wax: Tabnaan iyo tognaan oo afka qalaad loo yaqaan negativity and positivity. Sidaasi waxa macnaheedu yahay qof walliba wax kastuu qabto amma sida saxda ah ayuu qabtaa amma si qaldan. Sababtuna waxa weeye qofka bini’aadmiga ah ayaa qof ahaan hab dhaqankiisu ka kooban yahay ‘Lammaane shakhsiyadeed (dual character) Waxay dadka ku kala roon yahiin siday waajibaadka saaran u kala gudan og yihiin, ee ay u kala garanayaan waxa qaloocan iyo waxa toosan, waxa qaldan iyo waxa saxda ah. Mssalan, hadaanad waysaysan salaadaadu ansax maaha. Salaada aanad suurtul Faatixa ahkriyin waxay la mid tahay salaad aad adoo og in aanad waysaysan wayso la’aan ku gashay. Sidaa darteed, wax waloo la qabtaa waxuu ansax ku noqdaa habka loo qabto. Awoodda dadka lagu xukumaa axkaam xalaalaysa ayay leedahay. Hantidaada waxa xalaal ka dhigga sidaad ku heshay ee ay kugu soo gashay. Sidoo kale, madaxnimadu waxay ku xalaalowdaa amma ku xaaraantiyowdaa (legitimacy or illegitimay) sida masuuliyadda madaxnimadda loo guto. Hadday madaxdu ku durduriso dadweynahii soo doortay oo ay siday doonto u gasho waa dulmi, dulmina Allah weyn ayaa iska xaaraantimeeyey. Madaxninmada iyo xukunkaba waxa xaaleeya xeerarka ay busho-weyntu dhigteen. Haddii xeerarka bushadu dhigatay ay madaxda dalku si xun u istimaalaan, distoorkana ay tunka ku qaataan, kol walbana ay siday doonaan u dhigeen, maxa nabaddan la leeyahay aan illaashano lagu illaayaa? Nabaddu waxa lagu illaashaa anshax iyo asluup (discipline and principles) Haddii uu Muuse Biixi burburiyey anshaxii iyo asluubtii loogu tala galay in la sugo nabda-geyada dalka, maxaa lugu sugi doonaa nabadda? Horta waa in anshax iyo asluub fiican er xuquuqda muwaadiniinta lagu sugo la illaaliyaa oo la ixtiraamaa. Nabad-sugidda waxa xalaaleeya xeerarka dalka u dejisan. Askarta tuugta qabqabataa iskama qabtaan tuugta dee, xeer baa awood u siinaya in ay qabtaan ka wax xadaya, ka wax dilaya, ka qas iyo qalaanqal kicinaya. Waxa xaqiiq ah in aan Biniaadmiga xabbad lagu riciyadan karin, lagu xukumi karin, xoogna lagu haysan karin. Hortaabaa Muusow rag qammasmur ahaa ku jabeen. Xalaal iftin baal la qashaa waxan ka wadaa . sida dalkan iyo dadkan loo xukumayaa ku xalaaloobi meyso xeer jabin, mudaynta doorashooyinka dalkuna ku meel mari mayso warqad sii qorayd oo kolna loola dhukusay Saleebaan Gaal, kolna Shanta xubnood ee komishanka Muuse iyo Saleebaan Gaal ay soo magacaabeen ee diintoodii iyo dadnimadoodiiba meel kaga dhacay, karaama beelna noqday. By:’Jamafalaag S’/land; Hargeis jamafalaag@gmail.com Qaran News Share this post Link to post Share on other sites