Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Dowladda oo Howlgal Ka Fuliyay Xadka Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka dowladda federalka Soomaaliya ayaa howlgalka ka fuliyay deegaan hoostaga degmada Ruunirgood ee gobolka Shabeellaha dhexe ee dowladda goboleedka Hirshabeelle.

howlgalkaan ayaa waxaa iska kaashaday ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada caalamiga ah ee taageera, waxaana bayaan kasoo baxay dowladda lagu faahfaahiyay howlgalka dhacay.

Dowladdu waxaa ay sheegtay intii howlgalka uu socday in lagu bururiyay fariimo ay la haayeen Al-shabaab, waxaana si gaar ah uu kaga dhacay deegaan lagu magacaabo Sigato .

Howlgalkaan ayaa saraakiisha hoggaaminaysay waxaa ayu sheegeen in khasaare xooggan lagu gaarsiiyay dagaalamayaal Al-shabaab ah , oo isku uruursanayay deegaan howlgalka laga furiyay.

Degmada Ruunirgood oo ku talala xadka gobollada Shabeellaha dhexe iyo Galgaduud waxaa muddooyinkii dambe ay dowladdu geysay ciidamo badan kuwaas oo ka tirsan xoogga dalka qeybihiisa.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this