Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni “Doorashada Puntland waxay ku dhacaysa wakhtigeeda 8 Jan”

Recommended Posts

Deeq A.   
Deni.jpeg?resize=660%2C364&ssl=1

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Deni ayaa markii u horraysay waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka laga faafiyay ee ku saabsan in uu mudda kororsi qorshaynayo.

Madaxweyne Deni oo khudbad ka jeediyay munaasabadda Xuska Kowda Agoosto ee ka qabsoontay Madaxtooyada Garoowe ayaa gebi ahaanba si cad meesha uga saaray Arrinta mudda kororsiga.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaciyay in uu doorashada Madaxweynaha Puntland ku qabanayo wakhtigeeda rasmiga ah oo ku beegan 8 Jannaayo 2024.

” Waxa aan diyaar u ahay tartan axsaab ah 8-da January waxa aan ballan qaadayaa in haddii layga guuleysto in aan xilka si nabad ah u wareejiyo. Dalka nabad halloo daayo” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Hadalka Madaxweynaha ayaa meesha ka saaraya eedda siyaasiyiinta Mucaaradka Puntland ee ku saabsan in Siciid Deni uu qorshaynayo mudda kororsi sharci-darro ah.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni “Doorashada Puntland waxay ku dhacaysa wakhtigeeda 8 Jan” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this