Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: BF oo Guuleed u yeeray si wax looga weydiiyo Somaliland + Jawaabtiisa

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_3123.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiyada Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta Golaha Shacabka ee BJFS ayaa maanta kulan su’aalo weydiin ah la qaatay Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda u qaabilsan Wada hadallada Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Ergayga ayaa guddiyada warbixin ka siiyey Sooyaalka Wadahadallada DFS iyo Somaliland iyo sidoo kale ahmiyadda ay wadahadalaas u leeyihiin umadda Soomaaliyeed.

“Wadatashiyada waxaa ay bud-dhig u yihiin in la helo arragti loo dhanyahay iyo siyaasad mideysan oo ay DFS iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ka yeeshay wadahadallada Somaliland,” ayuu yiri Mr. Guuleed oo ka warbixiyey kulanka.

Cabdikariin Guuleed ayaa tan iyo markii uu madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay ergayga u qaabilsan arrimaha  Somaliland wuxuu waday xog uruurin iyo talooyin ku saabsan sidii dib loogu bilaabi lahaa wadahadallada.

Gudaha dalka magaalooyinkii uu tegay Guuleed waxaa ka mid ahayd magaalada Baydhaba ee Koonfur Galbeed, isagoo talooyinkooda ka soo dhageystay dhaqanka iyo qeybaha bulshada magaaladaas.

Ergayga ayaa weli wada la tashiyada ku saabsan sidii dib loogu bilaabi lahaa wadahadallo mar kale ay masiirkooda ka yeeshaan Soomaaliya iyo Somaliland.

Intii uu talada dalka hayey madaxweyne Farmaajo ayey fashilmeen wadahadalladii ugu dambeeyey ee dhex maray dowladda federaalka iyo Somaliland.

Hadda dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh waxaa u qorsheysan in Somaliland ay la furti wadahadallo ka mug weyn kuwii hore, si natiijo looga keeno gooni isutaagga ay ku dhawaaqday Somaliland.

IMG_3124.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 IMG_3120.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 IMG_3128.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 IMG_3127.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 IMG_3125.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 IMG_3126.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 IMG_3123.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 IMG_3122.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1

The post Sawirro: BF oo Guuleed u yeeray si wax looga weydiiyo Somaliland + Jawaabtiisa appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this