Sign in to follow this  
Deeq A.

Cadaadiska ka dhashay Weerarkii Kulliyadda Jaalle Siyaad oo sii kordhaya: Xog

Recommended Posts

Deeq A.   
ciidamada-ciidan-scaled.jpeg?fit=2560%2C

Muqdisho (Caasimada Online)- Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa dhaleeceyn iyo eedo masuuliyad darro kala kulmeysa sidii loo fuliyey weerarkii is-miidaaminta ahaa ee Al-Shabaab ay ku laayeen ciidankii dhibowga ku qaadanayey Kuliyadda tababarrada ciidamada xoogga ee Jaalle Siyaad.

Khasaaraha rasmiga ah ee weerarkaas ka dhashay waa dhimashada 27 askari iyo dhaawacyada 72 kale, khasaarahaan uu geystay hal qof oo is qarxiyey oo ciidanka oo feylsan banaanka ka soo galay ayaa layaab ku noqotay dadka iyo dowladda.

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa maalin kadib si caro leh u sheegay inuu tuhmayo inay jiraan saraakiil ‘qaa’imiin ah’ oo weerarkaas fududeysay, isagoo wasaaradda difaaca iyo taliska xoogga ka dalbaday inay deg deg warbixin uga keenaan baaritaanka qaraxaas.

Maalinkii xigay wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga ayaa golaha shacabka ka hor sheegay in 14 qof oo saraakiil iyo askar isugu jira loo xiray weerarkaas, isla markaana ay socdaan baaritaano culus.

Maalinkaas waxaa sidoo kale golaha hor tegay wasiirka gaashaandhigga oo xildhibaanada qaar kala kulmay caro sababtay in qaarkood ay si cad u sheegaan in wasiir Jaamac uusan qaadi karin masuuliyadda loo dhiibay ee wasaaradda difaaca qaranka.

Xildhibaan Cabdirisaaq Ciid oo ka mid ahaa xubnihii sida qayaxan u weeraray wasiirka gaashaandhigga ayaa sheegay in xitaa uu awoodi waayey inuu u tacsiyeeyo dhalinyaradii la laayey.

Sidoo kale Xildhibaan Ciid wuxuu wasiirka ku eedeeyey damqasho iyo naxariis la’aan uu ku arkayey marar badan oo uu tegay furimaha, weliba goobo lagu laayey ciidan badan, wuxuuna dalbaday in dib loo eego xilka wasiirkaan oo mar kale looga yeero baarlamaanka.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose Maxamed Barre oo la hadlay barnaamijka Galka Baarista ee idaacadda VOA ayaa sheegay in ciidankii lagu laayey Jaalle Siyaad oo ka tirsanaa guutada 14-ka October ay ku yimaadeen kacdoon shacab, markii uu Soobe ka dhacay qaraxii ugu weynaa ee 14-kii October.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inay cidankaasi aad ugu qanacsan shaqadooda oo dadka ku nool Marka iyo deegaanada hoos taga ay aad u jeclaayeen, waxaana lagu xusuustaa inay dhul badan ka xoreeyeen kooxda Al-Shabaab.

Dhageyso Galka Baarista oo ku saabsanaa arrintaan

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2023/08/01000000-0aff-0242-b732-08db92a22d1d_16k.mp3The post Cadaadiska ka dhashay Weerarkii Kulliyadda Jaalle Siyaad oo sii kordhaya: Xog appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this