Sign in to follow this  
Deeq A.

Khilaaf culus oo soo kala dhex-galay Iran iyo Sacuudiga + Arrinta la isku hayo

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_20230406_082202_588.webp?fit=770%2C5

Dubai (Caasimada Online) – Caqabad cusub ayaa la soo deristay heshiiskii ay gadh-wadeenka ka ahayd dowladda Shiinuhu ee la isugu soo dhoweeyey Iran iyo Sacuudiga.

Khilaafka culus ee Iran iyo Sacuudiga ayaa salka ku haya kadib markii ay labada dal isku qabsadeen ceel shidaal oo ku yaalla Gacanka Persia.

Dalalka Sacuudiga iyo Kuwait ayaa si wada-jira u sheegtay ceel shidaal oo ku yaalla xeebaha al-Durra, halka dalka Iran ay dhinacooda ka sheegteen inay leeyihiin xuquuqda goobta ceelkaas laga helay, taasi oo ay ku magacaabeen Arash.

Labada dhinac ayaa bishii March waxay Tehran ku yeesheen wada-hadal arrintan la xidhiidha, hase ahaatee wax natiijo ah lagama gaadhin.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha debedda ee Iran Nasser Kanaani ayaa sheegay in aanu dalkiisu u dul-qaadan doonin in lagu xad-gudbo xuquuqdiisa, isaga oo taageerayey hadal uu hore u sheegay wasiirka shidaalka ee dalka Iran.

“Waxaanu hore u sheegnay, sida aanu diyaarka ugu nahay inaanu dalka Kuwait kala hadalno arrintan,” ayuu afhayeenka u sheegay warbaahinta.

Waxa uu intaas sii raaciyey “Hase ahaatee, haddii aanay jirin cid danaynaysa in laga wada faa’iidaysto goobtaas [ceelka shidaalka], Jamhuuriyadda Iran waxay si iskeed ah u bilaabaysaa sahaminta iyo ka faa’iidaysiga khayraadka”.

Wasiirka shidaalka ee Kuwait ayaa u sheegay telefiishanka Sky News Arabia toddobaadkii hore, in dalkiisu uu bilaabi doono qodista iyo soo saarka shidaalka, iyada oo aan la sugaynin in heshiis la gaadho.

Sacuudiga ayaa markaas wixii ka dambeeyey la saftay Kuwait, iyaga oo sheegay in labada dal ay leeyihiin goobta shidaalka laga helay, iyaga oo ugu baaqay Iran inay dib ugu soo laabato miiska wada-hadalka.

The post Khilaaf culus oo soo kala dhex-galay Iran iyo Sacuudiga + Arrinta la isku hayo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this