Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Kaahin muxuu u Sheegay Gavin Williamson

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiir Kaahin muxuu u Sheegay Gavin Williamson

Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa hadimo Sharafeed ku maamuusay Xildhibaan Sir Gavin Williamson oo si wayn ugu ololeleeya qaddiyada iyo madax banaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL ayaa Xildhibaanka xog waran ka siiyey amniga guud ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo horuumarka ka socda dalka, iyadoo Wasiirku si wayn Xildhibaan ugu mahadnaqay dedaalka uu la garab taaganyahay Somaliland iyo qaddiyada Somaliland uu horgeeyey aqalka Baarlamaanka Ingiriiska.

Casuumaddan Xildhibaan Gavin Williamson lagu maamuusay waxaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL, ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid, Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Dr Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi (Suufi), Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo horumarinta Kaluumaysiga Siciid Sulub Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryaynta Mustafe Cali Bile, qaar ka mid ah Taliyayaasha Ciidamada Qalabka sida, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil, Safiirka Dowladda Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska Cabdi Cabdillaahi Xirsi iyo Masuuliin kale.

Xildhibaan Gavin Williamson ayaa shahaado sharaf ku maamuusay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this