Sign in to follow this  
Deeq A.

Munaasabadda As-aaskii Puntland oo si weyn looga xusay Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1690891291809.jpg?resize=720%2C60

Munaasabadda Kowda Agoosto ee Xuska As-aaskii Puntland ayaa maanta si weyn looga xusay magaalada Garoowe.

Munaasabadda waxa ka qayb galay dhammaan Golayaasha kala duwan ee dowladda iyo boqollaal shacab ah kuwaas oo dabaal-dagyo ku muujiyay.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ka qayb galay Munaasabadda ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Puntland oo Cududooda ku soo bandhigay Xuska.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qayb galay Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoonka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Goleyaasha Dowladda iyo marti sharaf kale.

Munaasabadda oo ay ku dabaal-dageen boqolaal shacab ah ayaa waxaa dhoola tus ku soo bandhigay shaqaalaha weynaha Dowladda iyo qaybaha ciidamada iyo awoodooda.

FB_IMG_1690891370881.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1690891376332.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1690891422630.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1690891396856.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1690891365350-1.jpg?resize=720%2C

PUNTLAND POST

The post Munaasabadda As-aaskii Puntland oo si weyn looga xusay Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this