Sign in to follow this  
Deeq A.

Kufsi: Sheekada naxdinta leh ee Kaltuun iyo Ibtisaam oo kufsi wadareed loo geystay

Recommended Posts

Deeq A.   

Iyadoo Kaltuum ay kufsi wadareed u geysteen afar dagaalyahan oo ka tirsan ciidamada taageerada degdegga ah ee ku sugan gobolka Darfur ee dalka Suudaan, ayaa sidoo kale lagula kacay cunsuriyad.

Digniin: Sheekadan waxaa macquul ah inay ku jiraan qoraallo saameyn kugu yeelanaya ee ka taxadar.

“Waxay ahaayeen kuwo bahallo ah. Waxay igu soo celiyeen geedkii aan u aaday in aan qoryo kasoo guro si aan u shidanno oo aan diirrimaad uga helno waxay iigu celiyeen si ay iigu kufsadaan,” ayay ku tiri cod gariiraya, iyadoo hoos ugu dhigtay khadka taleefanka.

Waxaan beddelnay magaceeda iyada iyo gabadh kale oo la kufsaday isla markaana aan kasoo xigannay sheekadan.

Kaltuum, oo 40-jir ah, waxay ka soo jeeddaa Galbeedka Darfur ee Masalit ee dadka madow, halka kuwii kufsaday ay ahaayeen Carab ka tirsan Ciidamada Taageerada Degdegga ah ee RSF.

Kooxdan dableyda ah ayaa lagu eedeeyaa in ay gaysteen gaboodfallo badan oo ka dhashay iskahorimaadka kaas oo ku saleysan isir nacaybkii horay u jiray ee Darfur.

Kaltuum oo ku nooleyd El Geneina oo taariikh ahaan calaamad u ah awoodda Afrikaanka madow ee Darfur, iyo caasimadda dhaqanka ee boqortooyada Masalit ayaa hadda waxay la soo carartay ninkeedii iyo carruurteeda oo xanuunsan.

Kaltuum waxay sheegtay in kuwii kufsaday ay u sheegeen in ay isaga baxdo magaalada maadaama ay “Carabtu leedahay”, taas oo sii kordhinaysa cabsida ay qabaan dad badan oo Afrikaan madow ah oo ka cabsi qaba in RSF ay waxyeelleeyaan.

Sudan waxa ay gashay dagaal sokeeye bartamihii bishii April, kadib markii ay is khilaafeen labada janaraal ee ugu awooda badnaa oo kala ah taliyaha ciidamada Abdel Fattah al-Burhan iyo taliyaha RSF Mohamed Hamdan Dagalo, oo loo yaqaan “Hemedti”.

Dagaalkooda ayaa dib u soo celiyay colaadda Darfur, oo markii ugu horreysay bilaabatay 2003-dii, taasoo sababtay dhimashada dad lagu qiyaasay 300,000 oo qof oo gobolkaasi ah.

Colaaddii ugu dambeysay ayaa ku qasabtay in ka badan 160,000 oo qof, oo u badan qowmiyadda Massalit inay u qaxaan Chad. Ma cadda tirada dadka lagu dilay gobolka, iyadoo qiyaasta ugu yar ee dhimashada El Geneina lagu sheegay ilaa 5,000.

Dagaalyahannada RSF-ta ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay xasuuq ka geysteen gobolka ugu dadka badan Suudaan iyo magaaladda caasimadda ah ee Khartoum.

Dagaallada ayaa horseeday inay ka qaxaan ku dhawaad laba milyan oo qof tan iyo bartamihii bishii April.

Ibtisaam, oo 24 jir ah, ayaa BBC-da u sheegtay in ay u socotay si ay u soo booqato eeddadeed markii saddex askari oo ka tirsan RSF ay joojiyeen.

“Waxay iilasoo bexeen qoryiha, waxayna i waydiiyeen halka aan u socdo, markii aan u sheegay in aan guriga eeddaday u socdo, waxay igu eedeeyeen in aan ka tirsanahay ciidanka nabad sugidda,” ayay tiri, iyadoo codkeedu aad u gaaban yahay.

Askarta ayaa dabadeed ku qasbay inay raacdo baabuurkii ay wateen oo ay u kaxeeyeen guri u dhowaa oo aan aaggaasi ka fogeyn.

“Waxaan arkay nin kale oo guriga ku jira, oo siibtay nigiskii, waxaan isku dayay inaan baxsado, laakiin mid ka mid ah askarta ayaa si xun ii garaacay, waxaan ku dhacay dhulka, waxay iigu hanjabeen inay i dilayaan haddii aan dhaqaaqo ama aan qayliyo” Ayay tiri, intay taleefoonka ku ilmeysay.

“Saddexdoodaba waxay wey i kufsadeen waliba halmar kabadan, kadib waxay igu celiyeen baabuurkoodii, waxayna igu tuureen wadada dhinaceeda markii qorraxdu dhacday,” ayay tiri.

Kadib waqti yar oo ay aamusneyd isla markaana hadalku kasoo bixi waayay, Ibtisaam waxa ay ka warrantay sida ay dareemeyso waxa ay sheegtay in ay ay dareentay “bahdil iyo xumaan aad u weyn”.

“Waxaan rabay in aan is dilo, laakin waan is celiyay, waxaan ku laabtay guriga, cidna uma sheegin waxa dhacay.” Ayey sii raacisay

Xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ee dalka Sudan ayaa horaantii bishii July sheegay in ay heleen warbixino ku saabsan 21 dhacdo oo xadgudub galmo ah oo lagula kacay ugu yaraan 57 haween iyo gabdho yaryar isugu jira.

Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay Volker Türk ayaa xusay in “RSF lagu aqoonsaday dambiyada ” ku dhawaad dhammaan kiisaska laga soo sheegay xafiiskiisa.

Qaramada Midoobay iyo kooxaha xuquuqda maxalliga ah ayaa labaduba waxay rumaysan yihiin in tirooyinkani ay yihiin qayb yar oo ka mid ah miisaanka dhabta ah ee dembiyada.

Ahlam Nasser oo u dhaqdhaqaaqda xuquuqda aadanaha Suudaan ayaa sheegtay in aysan wax shaki ah ka qabin in kufsiga loo isticmaalo hub dagaal oo dadka lagu argagax geliyo.

Haweeneydan lafteeda hadda waxa ay ka carartay Suudaan, waxa ayna sheegtay inay iyaduna sheeko naxdin leh ka maqashay qaar ka mid ah haweenkii ku laabtay Khartoum.

“Mararka qaar, hooyooyinka waxaa lagu kufsadaa carruurtooda hortooda,” ayay tiri Ms Nasser.

Suudaan
RSF ayaa beenisay in dagaalyahannadeeda ay ka dambeeyaan weeraradan xadgudubyada ah ee la xiriira kusiga.

Cod laga soo duubay afhayeenkooda Mohammed al-Mukhtar oo BBC-da lalasoo wadaagay ayaa wuxuu ku sheegay in dagaalyahannadooda “ay ka go’an tahay heerka ugu sarreeya ee dagaalka”.

“Waxaa jira ololeyaal ulakac ah oo lagu xumeynayo sumcadda dagaalyahannadayada kadib guulihii militari ee aan gaarnay,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Markii BBC-du ay u sheegtay in aan la hadalnay haween sheegay in dagaalhayannadooda ay waxyeello u geysteen, Al-Mukhtaar wuxuu sheegay in dadka iska dhigaya xubnaha RSF ay mas’uul ka yihiin xadgudubyada.

Kaltuum iyo Ibtisaam ayaa waxa ay sheegeen in xanuunka ay la kulmeen aysan waligood hilmaami doonin.

“Weligay ma ilaawi doono wixii igu dhacay. Calaamad ceeb ah ayaa i raaci doonta weligeed, sida harkeyga oo kale,” Kaltuum ayaa sidaasi tiri.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this