Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Madaale oo Ka Hadlay Burburinta Dhulka Kaasa Itaalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Bayaan ka soo baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa lagu faah faahiyey sababta dadka looga saarayo Dhulka (Kaasa Italia ) ee degmada Xamar weyne oo ah dhul ay leedahay safaaradda dowladda Talyaaniga, arrintaan ayaa saacadihii dambe baraha aad u qabsatay.

“Burburinta dhismaha Xarunta Kaasa Italia waxay ku timid Codsi nooga yimid dowladda Talyaaniga oo dalbatay in dhulkeeda loo baneeyo oo ay u baahan tahay, waxaana bulshada loo sheegayaa inaanu jirin ganacsade ama dowlad Soomaaliyeed oo dhulkaas isticmaali doonta”. ayuaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddoomiye Madaale.

Dhulkaan ayaa waxaa degnaa muwaadiniin Soomaaliyeed oo in muddo ah ku ganacsanayay, waxaana amarka soo baxay maamulka uu kusoo aadayaa xilli booliiska gobolka ay burburiyeen goobo ku yaalay dhulkaan Kaasa Italia, kaas oo dowladdu sheegatay in dib loogu celinayo safaradda Taliyaaniga oo dib u dhinaysa sida la sheegay.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this