Sign in to follow this  
Deeq A.

Bangiga Adduunka $75 Million Ugu Deeqay Dowladda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
Guddiga Sare ee Maamulka Bangiga  Adduunka ayaa ansixiyay deeq lacageed oo gaareysa $75 milyan oo loogu talagalay kabka miisaaniyadda Dowladda, deeqdaas ayaa ka timid barnaamijka horumarinta Siyaasadda Dhaqaalaha (DPO) lagu magacaabo.
Dowladda Federalka waxa ay si buuxda u soo dhaweyneysaa, kana mahadcelinaysaa taageerada kabka Miisaaniyadeed ee Bangiga Adduunka uu ugu deeqay Dowladda Soomaaliya, kaas oo qeyb ka ah taageerada Bankiga uu siiyo Soomaaliya.
Taageeradaan Maaliyadeed waxa ay imaaneysaa xilli muddooyinkii dambe dowladdu ay ku howlaneyd dib u  habeynta dhaqaalaha dalka, iyadoo dadaalada aan ugu jirno kobcinta dhaqaalaha loo dhan yahay, kaas oo sare loogu qaadayo dhaqaalaha dalka.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this