Deeq A. Posted August 1, 2023 Nairobi (Caasimada Online) – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa soo dhoweeyey dalabka dowladda Kenya ee ku aaddan inay hoggaamiso ciidamo caalami ah oo isku dhaf ah oo la dagaalama kooxaha budhcadda ah ee xasilooni darrada ka wada dalka Haiti, islamarkaana ay dib u soo celiyaan kala dambaynta. Ra’iisal wasaaraha dalka Haiti Ariel Henry ayaa bishii October ee sannadkii hore wuxuu soo jeediyey baaq deg-deg ah oo ku aaddan inuu u baahan yahay ciidamo caalami ah oo gacan ka geysta soo celinta ammaanka iyo kala dambaynta, islamarkaana in la xakameeyo budhcadda. Wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Kenya ayaa Sabtidii ku baaqay in dalkiisu uu diri doono 1,000 askari oo boolis ah, kuwaas oo gacan ka geysta tababarida iyo taageerada ciidamada booliska ee Haiti, si ciidankaasi ay awood ugu yeeshaan inay ilaaliyaan xarumaha hay’adda dawladda. MAXAA KA SOCDA HAITI Tan iyo bishii July ee sannadkii 2021, waxaa sii kordhayey awoodda kooxaha budhcadda ah ee dalkaas ka hawlgala, kadib markii la shirqoolay madaxweynihii hore ee Haiti Jovenel Moise, waxaana haatan lagu qiyaasaa inay gacanta ku hayaan 80% caasimadda dalkaas. Waxaa sare u kacay dilalka, kufsiga iyo afduubka loo geysanayo dadka rayidka ah, iyada oo aanay ciidamada dalkaasi lahayn awood ay ku xakameeyaan. Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka inay taageeraan, hawl-gal ka madax-banaan Qaramada Midoobay oo isku dhaf ah, isaga oo ku dhiirigeliyey dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay inay ka qayb qaataan hawl-galkan. AP + VOAThe post QM oo soo dhoweysay in Kenya ay ciidamo u dirto… appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites