Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka gobolka oo war kasoo saaray arrin xiisad xooggan ka abuurtay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaale-scaled.jpeg?fit=2560%2C1707&ssl=

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa markii u horeysay ka hadlay sababta dadka looga saarayo dhul ku yaalla Muqdisho, oo maalmihii dambe xiisad xooggan ka taagneyd.

Dhulkaan oo loo yaqaano Kaasa Italia ayaa ah dhul ay leedahay safaaradda dowladda Talyaaniga, sida uu sheegay maamulka gobolka Banaadir.

Bayaan kasoo baxay maamulka gobolka, gaar ahaan guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa waxaa lagu sheegay in burburinta iyo baneynta dhulkaasi ay ku timid codsi uga yimid safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya, oo u baahan tahay dhulkeeda.

“Bur-burinta dhismaha xarunta Kaasa Italia waxay ku timid codsi nooga yimid dowladda Talyaaniga oo dalbatay in dhulkeeda loo baneeyo oo ay u baahan tahay,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Waxaa bulshada Soomaaliyeed loo sheegayaa in aanu jirin ganacsade ama dowlad Soomaaliyeed oo dhulkaas isticmaali doonta”.

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay si weyn u dhex wareegayay baraha bulshada muuqaalada qaar kamid ah dadkii deganaa dhulkaasi oo cabanaya, ayada oo qaarkoodna ay sheegeen in dano shaqai ah looga saaranayo dhulkaasi, taasi oo uu meesha ka saaray maamulka gobolka.

Si kastaba, dhulkaasi ayay dowladda kua billowday burburin, waxaana laga soo xiganaya maamulka gobolka in billo kahor lagu wargeliyay arrintaan dadkii deganaa dhulkaasi.

The post Maamulka gobolka oo war kasoo saaray arrin xiisad xooggan ka abuurtay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this