Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo loogu deeqay lacag dhan $75 Milyan oo Doollar

Recommended Posts

Deeq A.   
01000000-0aff-0242-5b65-08db3499cfe1_w40

Bangiga adduunka ayaa sheegay in Soomaaliya la siiyey kaalmo lacageed oo gaadhaysa illaa $75 million, taas oo ah deeqdii labaad ee la siiyo Soomaaliya, si ay gacan uga geysato koboca awoodda hay’adaha dawliga ah, sida lagu sheegay warsaxafaadeed ka soo baxay Bangiga Adduunka.

Lacagtan ayaa qayb ka ah, kaalmooyin xidhiidh ah oo la siinayo Soomaaliya, taas oo Bangiga Adduunku uu sheegay inay ka taageerayso Soomaaliya, inay horumar ka samayso hiigsigeeda ku aaddan, inay noqoto mid si rasmi ah ugu qalanta, deyn cafinta.

Bangiga Adduunka ayaa sheegay in Soomaaliya ay waddo hirgelinta barnaamijkeeda dib u habaynta, si loo kobciyo awoodda hay’adaha dawliga ah, loona soo jiito maalgashadayaasha isla markaana loo gaadho koboc dhaqaale oo loo dhan yahay iyo shaqo abuur, kuwaas oo ku lingaxan qorshaha horumarinta qaran ee sagaalaad.

Barnaamijka horumarinta qaran ayay ku jiraan qodobo kala duwan oo mudnaan u leh, in Soomaaliya ay horumar samayso, waxaana Bangiga adduunku uu sheegay in qodobadaas qaybo ka mida ay ka taageereen Horumarinta Siyaasadda Maaliyadda ee loosoo gaabiyo DPF.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya oo loogu deeqay lacag dhan $75 Milyan oo Doollar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this