Sign in to follow this  
Deeq A.

Urur Siyaasadeedka Dhalinyaradda Puntland oo cambaareeyay go’aankii guddiga TPEC

Recommended Posts

Deeq A.   

Urur Siyaasadeedka Dhalinyaradda Puntland- PYPA ayaa canbaareeyay go’aankii ka soo baxay guddiga KMG ah ee doorashooyinka TPEC ee ururkaas loogu diiday Xisbinimada.

Urur Siyaasadeedka Dhalinyaradda ayaa go’aanka guddiga TPEC ku tilmaamay mid aan gebi ahaanba waafaqsanayn xeerka doorashooyinka iyo dastuurka dowladda Puntland.

“Urur Siyaasadeedka Dhalinyaradda Puntland “PYPA” Waxa uu horay in badan si weyn uga digay isku milanka Golayaasha Xukuumadda, Baarlamaanka iyo Guddiga Kumeel gaarka ah ee doorashooyinka TPEC” ayaa lagu yiri qoraal ururkaas ka soo baxay.

PYPA ayaa sidoo kale tilmaamay in isku milanka dhinacyada uu  maja-xaabiyay hufnaantii hannaanka dimuqraadiyadda dowladda Puntland, kuna hogaamiyay dalkii hubanti la’aan siyaasadeed iyo mid amni.

Ururka ayaa sidoo kale ugu baaqay Maxkamadda Sare ee dowladda Puntland in aysan ku dhaqaaqin go’aan sharci darro ah isla markaasna baalmarsan xeerka doorashadda iyo dastuurka dowladda Puntland.

FB_IMG_1690868447046.jpg?resize=720%2C95

PUNTLAND POST

The post Urur Siyaasadeedka Dhalinyaradda Puntland oo cambaareeyay go’aankii guddiga TPEC appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this