Sign in to follow this  
Deeq A.

Jaamac Yaasiin Warsame oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha dhexe ee SSC-Khaatumo

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1690873949239.jpg?resize=484%2C52

Magaalada Laascaanood waxaa Maanta lagu doortay Shir-guddoonka Golaha dhexe ee Maamulka SSC-Khaatumo.

Guddoomiyaha Golaha dhexe ee SSC-Khaatumo waxa u tartamay laba musharrax oo kala ah Jaamac Yaasiin Warsame iyo Maxamuud Yuusuf Xasan.

Xubnaha codaynayay oo ka kooban 45 xubnood ayaa 25 kamid ah codka siisay Jaamac Yaasiin halka 20-kii kale u codaysay Maxamuud Yuusuf oo la tartamayay

Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Maamulka SSC-Khaatumo ayaa waxa sidaas loogu mudane Jaamac Yaasiin Warsame halka Guddoomiye ku xigeenka loo doortay Jaamac Aadan Cismaan oo aysan cidna la tartamin.

PUNTLAND POST

The post Jaamac Yaasiin Warsame oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha dhexe ee SSC-Khaatumo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this