Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu ahaa hawgalkii ciidanka debdamisku ka soo fuliyeen Garabis

Recommended Posts

Deeq A.   

IMG-20230731-WA0008.jpg

Hargeysa(Qaran news)-ciidanka debdamiska ayaa u gurmaday deegaanka Garabis ee koonfurta Hargeysa oo qof ku dhacay barkad.

Qoraal ciidanka debdamisku soo saareen ayaa u dhignaa sidan:-

“Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa Galabnimadii maanta Gurmad Badbaado ah lagu soo wargeliyay gaar ahaan Degmada Garabis oo koonfur galbeed Qiyaas 30KM ah ugu baxay Gurmadkaas oo ahaa sida dadweynuhu nagu soo wargeliyeen Wiil yar oo ku dhacay Barkad, da’adiisuna Qiyaas ahaan ahayd ilaa 17 Jir, kaasoo ku jiray muddo isagoo Mayd ah.

Naftood Hurayaasha Ciidanka Dab-demiska ayaa isla markiiba goobtaasi gaadhay kana soo saaray Barkada ilmahaas yar, hasa yeeshee Alle Haw Naxariistee Ilmahaas yari wuxuu ku dhintay Barkadaasi waxaana intaa ka dib la wareegay hawshaas Ciidamada dambibaadhista Ciidanka Booliska.

Ciidanka Dabdemisku waxay tacsi u dirayaan Qoyskii iyo eheladii uu ka baxay marxuumkaasi. Ilaahay Naxariistii Janno haka waraabiyo jannooyinkiisana hawgu deeqo.”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this