Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xamza iyo Danjire Affey oo shir muhiim ah ku yeeshay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
364751352_642410444654772_18876276138221

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee hay’adda Qaxootiga QM ee UNHCR u qaabilsan Geeska Afrika, Danjire Maxamed Cabdi Affey.

Ra’iisul Wasaare Xamza iyo Danjire Affey ayaa ka wada-hadlay xaaladda qaxootiga iyo barakacayaasha ku nool dalka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Labada masuul ayaa sidoo kale kulankooda diirada ku saaray sidii daruufaha nololeed ee barakacayaasha iyo dadka qaxootiga ah loo hagaajin lahaa, waxna looga qaban lahaa dadkaasi ku nool dakeenna.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo kulanka ka hadlay ayaa soo dhaweeyey iskaashiga ka dhaxeeya dowladda iyo hay’adda UNHCR ee ku aadden daryeelka qaxootiga iyo barakacayaasha, gaar ahaan taageerada dhanka ilaalinta iyo nooliga ah.

Danjire Affey ayaa dhankiisa dowladda federaalka Soomaaliya ku ammaanay dadaalka ay ugu jirto sidii dalka loogu soo dabbaali lahaa amni iyo xasillooni.

Affey ayaa hoosta ka xariiqay in dadaaladda dowladda ay wax weyn ka tareyso xaaladaha qaxootiga iyo barakacayaasha dalkeenna ku nool.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa kamid aheyd dalalka Afrika ee sanadihii lasoo dhaafay marti-geliyay qaxootiga faraha badan, sida ay horey u shaacisay hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR.

364632716_642410287988121_83749814976103

364751352_642410444654772_18876276138221

364249115_642410327988117_85295741830000

364758551_642410304654786_22535846136654

364712377_642410411321442_28497815112775

364732008_642410454654771_30650593869306

364146899_642410347988115_43092236908438

The post Sawirro: Xamza iyo Danjire Affey oo shir muhiim ah ku yeeshay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this