Sign in to follow this  
Deeq A.

BF oo qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta heshiiskii golaha wadatashiga

Recommended Posts

Deeq A.   
358150643_743018031198139_62482913497367

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga madaxa-banaan ee hirgalinta dastuurka ayaa si rasmi ah u bilaabay ka doodista heshiisyaddii golaha wadatashiga qaranka, gaar ahaan kii u dambeeyay ee wax ka beddelka loogu sameeyay hanaanka dowliga ah iyo doorashooyinka dalka.

Guddoomiyaha guddiga madaxa-banaan ee dib-u-eegsita iyo hirgelinta dastuurka Burhaan Adaan Cumar oo uu wehliyo guddoomiye ku-xigeenka guddiga Maxamed Ganey ayaa shir guddoomiyay kulanka oo diirada lagu saarayay sidii luuqad dastuuriya loogu badeli lahaa heshiisyadaasi.

Guddiga ayaa 26-kii bishii Luulyo la wareegay hashiisyaddii ay gaareen golaha wadatashigaqaran, iyaga oo kala wareegay guddiga dastuurka baarlamaanka JFS.

Xubnaha guddiga oo ahmiyadda koowaad siinaya sidii loo dhameystiri lahaa qabyo qoraalka dastuurka kumeel-gaarka ah ayaa maal-mahaan waday ka shaqayntiisa.

Guddiga ayaa si gaar ah u dul istaagay wax ka beddelka cutubyadda 1-aad ilaa 4-aad ee dastuurka kumeel-gaarka ah ee dowladda federaalka Soomaaliya, islamarkaana cutubyada hore ee dastuurka loo horgeyn lahaa laanta sharci dajinta dalka si ay waajibaadkooda uga gutaan.

Guddoonka iyo guddiga joogtada ah ee baarlamaanka ayaa dhawaan isku raacay in lagu wareejiyo guddiga dib-u-eegista, la-socodka iyo hirgelinta dastuurka si ay ugu soo shaqeeyaan, uguna dhigaan siiqad dastuur, kadibna ay u horkeenaan fadhigga Golaha Shacabka Soomaaliya oo ugu dambeyn ka doodi doono heshiiskaasi.

Tallaabada uu Golaha Shacabka u qaaday heshiiskan ayaa kusoo aadeyso, xilli ay weli taagan yihiin tabashooyin laga muujiyay qodobada kasoo baxay shirkii Madasha Wadatashiga Qaranka oo ay ka horyimaadaan inta badan xubnaha mucaaradka ah.

Sidoo kale, dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo aan qayb ka aheyn heshiiska ayaa hortimid, waxayna taas sii xoojisay walaaca laga muujiyay go’aanka golaha wadatashiga qaranka oo ay taageero u raadineyso dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxtooyada oo hormuud u ah dadaalladaas ayaa dhawaan magaalada Muqdisho kusoo gaba-gabeysay shir wadatashi ah oo uu guddoomiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo ay ka qayb-galeen inta badan madaxdii hore ee dalka.

Shirkaas ayaa waxaa lagu gorfeeyay xaaladda guud ee dalka iyo sidoo kale heshiiska golaha wadatashiga oo qeexaya nooc doorasho iyo nidaam cusub oo dalka laga hirgelinayo.

Si kastaba, baarlamaanka Soomaaliya ayaa leh go’aanka ugu dambeeya ee heshiiskan oo meel-marin doono ama iska diidi doono, maadaama hadda uu bilowday qorshihii ugu dambeeyay ee lagu horgeynayo, waxaana xusid mudan in golaha shacabka uu todobaadkii hore uu boorka iska jafay, kadib markii uu ka hortay isku day uga yimid xukuumadda.

358150643_743018031198139_62482913497367

358139581_743018034531472_37348915566184

364658219_743018021198140_41967419131360

358140626_743018171198125_69436096210528

358144934_743018367864772_39442764836180

364713077_743018211198121_68074416016709

358135379_743018324531443_87799280779590

358141213_743018044531471_59779854052551

364771976_743018217864787_91054724410861

The post BF oo qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta heshiiskii golaha wadatashiga appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this