Sign in to follow this  
Deeq A.

Arrin cusub oo kusoo korortay xiisadda Somaliland iyo Jabhadda Gacan-Libaax

Recommended Posts

Deeq A.   
Muuse-Biixi.jpeg?fit=2048%2C1298&ssl=1

Hargeysa (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka iyo isimada Somaliland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa xukuumadda Muuse Biixi ka dalbaday inay ciidanka ka soo celiso deegaanka Gacan-Libaax, halkaas oo jabhad hubeysan laga aas-aasay.

Ciidankii booliska ahaa ee Somaliland ay u dirtay deegaanka Gacan-Libaax ayaa dagaal la galay jabhadii looga dhawaaqay deegaankaas, qaar ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland ayaa hadda billaabay waan-waan labadda dhinac ah.

Madax dhaqameedka ayaa xusay inay la kulmayaan kooxdan hubaysan, waxayna xukuumadda ugu baaqeen inay ka soo qaado ciidanka booliska ah ee la geeyey deegaanka Gacan-Libaax.

Ugaas Axmed Calimahdi oo ka mid ahaa madax-dhaqameedkii Hargeysa ka qabtay shirka jaraa’id ayaa yiri, “Waxaan u istaagnay in colaada ka jirta deegaanka Gacan-Libaax aan demino, waxaan ugu baaqeynaa xukuumadda inay askarta ka soo celiso deegaankaas, anaga ayaa guda doona waajibka naga saaran xalinta arrintaan.”

Ugaaska ayaa intaas ku sii daray, “Anaga ayaa askar ah oo nabadda raadinteeda u istaagnay, anaga ayaa dadkooda dib ugu soo celi doona wiilasha gadooday ee jabhadda sameystay, sidaan meel laguma gaarayo.”

Suldaan Xasan Suldaan Cabdullaahi ayaa sidoo kale ka hadlay madashaas, isagoo dhalinyarada gadooday ka dalbaday in aysan sameyn wax dhaqdhaqaaq ah, inta ay uga tegayaan odayaasha dhaqanka ee deegaanka Gacan-Libaax tegi doona.

Boqor Axmed Iimaan Warsame oo shirkaas ka hadlay ayaa yiri “Xukuumadda waxaan leeyahay idinkaa ka masuul ah wixii xumaada iyo wixii hagaagaba, waxaana leenahay xabad xal ma noqotee ciidanka aad buurta Gacan-Libaax geyseen dib ula noqda oo ku celiya xeryahooda.

“Dhalinyarada gadooday waxay naga balan qaadeen in aysan xabad ridi doonin, damaanad adag ayey nasiiyeen, waxayna dareensan yihiin in anaku aan masuul ka nahay, waana u soconaa ee ciidanka haka soo celiso xukuumaddu,” ayuu yiri Boqor Axmed Iimaan Warsame.

The post Arrin cusub oo kusoo korortay xiisadda Somaliland iyo Jabhadda Gacan-Libaax appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this