Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga WADDANI oo cambaareeyay dagaalkii Diri-maraa xukuumaddana dhaliilo u soo jeediyay

Recommended Posts

Deeq A.   

khadar-1.jpg
Hargeysa (Qaran news)-Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi ayaa sheegay in xisbigoodu cambaaraynayo dagaalkii shalay ka dhacay tuulada Diri-maraa ee deegaanka Gacan-libaax, waxaanu xukuumadda ugu baaqay inay caqli xal ku jiro la timaado.

Xoghayaha guud wuxuu sidaasi ku sheegay mar uu maanta Hargeysa kula hadlay warbaahinta, waxaanu ka hadlay dagaalkii Diri-maraa, wuxuu yidhi “Maanta waxaynu ka hadlaynaa nabaddii oo ah dawladuhu markay burburayaan halka ay cago-dhigtaan. waanu ka xun nahay waanan cambaareynaynaa dagaal kasta oo ka dhaca Somaliland waxaanan ku baaqaynaa nabad iyo wadajir mar kastaba. waxaan aad iyo aad uga xun nahay dagaalka shalay ka dhacay deegaanka Diri-maraa dagaalkaa waanu cambaareynaynaa waxaanan ku baaqaynaa in nabad lagu dhammeeyo.”

“Nabadda dalkeenu waxaad moodaysay inay muddooyinkii u dambaysay ay ka sii daraysay. waxaanan shacbiga ugu baaqaynaa inay nabadda ilaashadaan oo ah waxa kaliya ee aynu ku fadhino. waxa ilaalinta nabaddu saaran tahay madaxweynaha. nabadgelyo darrada ka dhacday Laascaanood iyo tii shalayba waxay ku imanaysaa talo-xumo. waxaan leenahay talo xumadaas waa in la joojiyaa. dalka waa in caddaalad lagu dhaqo oo doorashooyinkii iyo hawlihii dimuqraadiyadii dalkana waa in la soo celiyaa.”ayuu yidhi Xoghaye Khadar Xuseen.

Xoghayuhu wuxuu balan qaaday inay xisbi ahaan diyaar u yihiin inay kaalintooda ka qaataan xisbi ahaan adkeynta nabadgelyada Somaliland. waxa kaloo uu tilmaamay in aan qori xal lagu gaadhin, waxaanu xukuumadda ku booriyay inay caqli la timaado xal dhaliya.

Xoghayaha WADDANI wuxuu u soo jeediyay madaxweynaha inuu aakhiradiisa u tudho oo uu dalka ka daayo wixii hagar daamo ku ah siyaasiyan iyo nabadgelyo ahaanba.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this