Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashada Puntland oo qaaday tallaabo xasaasi ah kadib go’aankii baarlamanka

Recommended Posts

Deeq A.   
TPEC.jpg?fit=1440%2C1440&ssl=1

Garoowe (Caasimada Online) – Guddiga Kumeel-gaarka ee doorashooyinka Puntland ayaa maanta kulan xasaasi ah oo ay yeesheen ku ansixiyay Xisbiyada rasmiga ah ee dowlad-goboleedka Puntland.

Xubnaha guddiga ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay in siddeed xisbi ay noqdaan kuwa rasmiga ah, xilli dhawaan baarlamaanka Puntland uu meel-mariyay furista dastuurka, kaasi oo qeyb ka ahaayeen Xisbiyada siyaasadda.

Warqad ka soo baxday guddiga kumeel-gaarka ee doorashooyinka Puntland ayaa lagu sheegay in guddiga uu qaatay go’aankan kadib markii uu arkay natiijada doorashooyinka hordhaca aheyd ee 25/10/2021 iyo wax ka bedelka dastuurka qodobka 46-aad faqrada 3-aad.

“Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, oo ah hay’ada ugu saraysa ee Puntland u qaabilsan qabashada Doorashada golayaasha degaanka, diiwaangelinta ururada siyaasadda, ansixinta iyo sharciyeynta xisbiyada siyaasadeed markii uu arkay dastuurka Puntland qodobka 114-aad farqada sadexaad iyo xeerka doorashooyinka golayaasha degaanka xeer LR3 2013 qodobka 12-aad farqada 7-aad.”

Guddiga TPEC ayaa sidoo kale shaaciyay in shahaadada rasmiga ah gudoonsiin doono xisbi kasta, oo kamid ah siddeeda xisbi ee uu maanta ku dhawaaqay.

Hoos ka aqriso xisbiyada rasmiga ah ee Puntland;

1. Xisbiga Kaah
2. Xisbiga Mideeye
3. Xisbiga Sincad
4. Xisbiga Ifiye
5. Xisbiga Mustaqbal
6. Xisbiga Shaqaalaha
7. Xisbiga Runcad
8. Xisbiga Horseed

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Puntland Cabdirashid Yuusuf Jibriil ayaa hambalyeeyay dhameystirka nidaamka Xisbiyadda siyaasadda ee Puntland.

Sidoo kale waxa guddoomiyaha uu guud ahaan dadweynaha Puntland ugu hambalyeeyay ansixinta 8 Xisbi siyaasadeed ee rasmiga ah ee dowlad-goboleedka Puntland ee maanta ay shaaciyeen Guddiga TPEC.

“Waa ku mahadsan yihiin dhammaan dhinacyadii walba kaalin wanaagsan ka qaatay dhammeystirka nidaamka Xisbiyadda 25 sanno kadib aas-aaskii Puntland.”

The post Guddiga doorashada Puntland oo qaaday tallaabo xasaasi ah kadib go’aankii baarlamanka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this