Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir oo xukuntay 36 ajaanib ah

Recommended Posts

Deeq A.   
mazakaman66-768x512-1.jpg?resize=768%2C5

Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta xukunka kasoo saartay 36 Eedaysane oo ajaanib ah kuwaas oo sife sharci darro ah uga kalluumaysanayey Biyaha Badda Soomaaliya.

Eedaysanayaashan oo ay hore xukun ugu riday Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa rafcaan ka qaatay xukunka hore.

Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa wax ka bedeshay Xukunkii ay hore ugu riday Eedaysanayaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir,Maxkamada Rafcaanka ayaa Eedaysanayaasha ku xukuntay midkii ba lacag dhan $12000 oo dollar,waxa ay sidoo kale Maxkamadu xukuntay in lala wareego doomihii ay ku kaluumaysanayeen.

Eedaysanayaashan ayaa weli haysta fursad ay ugu dacwoon karaan Maxkamadda Sare ee dalka hadii ay ka qabaan wax cabasho ah xukunka ay ku rideen maxkamadda.

PUNTLAND POST

The post Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir oo xukuntay 36 ajaanib ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this