Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland oo ansixiyay 8 Xisbi Siyaasadeed oo rasmi ah

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1690804078268.jpg?resize=720%2C48

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa maanta oo taariikhdu tahay 31 July 2023, cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Xisbiyada rasmiga ah ee Dowladda Puntland.

Warqad ka soo baxday Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa lagu ansixiyay 8 Xisbi Siyaasadeed oo si rasmi ah Puntland u yeelatay.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane. Cabdirashid Yuusuf Jibriil ayaa Hambalyeeyay dhammeystirka nidaamka Xisbiyadda Siyaasadda ee Puntland.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa guud ahaan dadweynaha Puntland ugu Hambalyeeyay ansixinta 8 Xisbi Siyaasadeed ee Rasmiga ah ee Dawladda Puntland oo ay shaaciyeen Guddiga TPEC.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa u mahadceliyay dhammaan dhinacyadii walba kaalin wanaagsan ka qaatay dhammeystirka Nidaamka Xisbiyadda 25 sanno kadib aas-aaskii Puntland.

Halkan ka akhriso Magacyada 8 Xisbi

FB_IMG_1690802060640.jpg?resize=313%2C40

PUNTLAND POST

The post Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland oo ansixiyay 8 Xisbi Siyaasadeed oo rasmi ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this