General Duke Posted May 28, 2008 Asmara(HR Media):- Shiikh Xassan Daahir Aweys iyo Yusuf indhacade oo ah Xoghayaha Difaaca ee Isbaheysiga dib u xoreynta ayaa si kulul u eedeeyey Shariif Axmed oo dhawaan eedeyn kulul usoo jeediyey Dowlada Eritereya. Kooxda Asmara ku sugan ayaa sheegay in Shariif Axmed uu jabiyey siyaasadii xisbigood. Shiikh Xassan Daahir Aweys oo wareysi siiyey Telefishonka Al Carabiya ayaa sheegay in Shiikh Shariif Axmed uu meel ka dhac weyn ku sameeyey Siyaasadii Isbaheysigooda, wuxuuna ku tilmaamay eedeyntii Shariif Axmed usoo jeediyey Dowlada Eritereya in ay ahayd khalad weyn oo uu ka galay hogaamiyahaasi ururka uu matalo. Shiikh Xassan Daahir Aweys ayaa ka dhawaajiyey in xilka laga xayuubin doono Shiikh Shariif Axmed mar hadii uu garab maro siyaasadooda, asagoo sheegay in shir ay dhawaan asmara ku yeelan doonaan ururkooda. Dhinaca kale Yuusuf Indhacade oo asaguna kamid ah kooxda asmara hada ku sugan ahna Xoghayah Difaaca ee Isbaheysigaasi ayaa sheegay in Xarunta Asmara ee dalka eritereya ay tahay meesha ay ka shaqeeyaan oo ah fadhigooda isla markaana aan la bedali karin. Yusuf indhacade ayaa hadalka soo saaray xili la hadal hayo in Shariif Axmed iyo shariif Xassan ay u kicitimeen dalka Yemen, ayagoo halkaasi wadahadal kala sameyn doona dowlada Yemen arrimaha Soomaaliya. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Labada shariif laga yaabo in ay xaruntooda ka dhigtaan dalka Yemen, ayagoo aan dooneyn in ay dib ugu noqdaan dalka Eritereya. Indhacade ayaa sheegay in isbaheysigooda uu ku dhisan yahay heshiis wadajir ay u gaareen isla markaana ay ku heshiiyeen in xaruntooda ay ahaato Asmara isla markaana aan meel kale laga dhigi karin. Wuxuu sidoo kale indhacade digniin u diray Dowlada Jabuuti oo uu sheegay inuu ugu baaqayo in aysan kala qeyb shacabka Soomaaliyeed, waa suu hadalka u dhigayee. Xubnaha ku sugan Asmara ayaa ugu hanjabay Shariifyada in xilkooda ay ku weyn doonaan xad gudubyada ay sheegeen in ay ku sameeyeen sharuucdii uu tiilay ururkooda. Shiikh Xassan Daahir Aweys, Indhacade iyo xubnaha kale ee ku sugan Eritereya ayaa la sheegay in culeys uu ka haysto dhinaca Dowlada Eritereya oo horey uga soo horjeeday wadahaladada Jabuuti ka socday, ayadoo ay arrintaasi hada u dheertahay in dolwada Eritereya ay si weyn uga carootay hadaladii kasoo yeeray dhawaan Shiikh Shariif Axmed oo ku dhaliiceeyey in dowladaasi ay faraha kula dhex jirto ururkooda isla markaana kala qeybineyso. Warar hoose oo laga helayo xubno ku sugan magaalada Asmara ayaa sheegaya in saraakiisha dowlada Eritereya ay la socodsiiyeen xubnaha ku sugan dalkooda in ay si weyn uga xun yihiin in ururkaasi xubno kamid ah ay dhaliiceeyaan ayadoo sheegtay in ay soo dhaweysay oo dhulkooda u furtay, arrintaana loogu jawaabay, walow aan la sheegin dowlada Eritereya ay dalkeeda ka cayrin doonto xubnaha Isbaheysiga kuwaasi oo hada sheegay in ayagu kasoo horjeedaan hadaladii Shariif Axmed. Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites