Sign in to follow this  
Deeq A.

Ogeysiis muhiim ah oo kasoo baxay Maxkamadda ICC

Recommended Posts

Deeq A.   
Maxkamadda-ICC.jpg?fit=1152%2C768&ssl=1

Hague (Caasimada Online) – Ogeysiis dhawaan kasoo baxay Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ee ICC ayaa waxa ay ku dhawaaqday in ay furtay qeyb loogu talagalay in dacwadaha lagu soo gudbiyo.

Waxa ay Maxkamadda ugu talagashay waaxdan iney ku soo dhacaan dhamaan dacwadaha lo ohayo cadeymaha iyo kuwa muuqda ee sida maalin laha uga dhaca dunida oo shaqsiyaad iyo dowlado ay geystaan.

Qof walba oo haya macluumaad ku saabsan dambi dhacay, ama Goobjoog ka ah ama sidoo kale u heli kara cadeymo ku filan ayey sheegtay maxkamadda in mudnaan gaar ah ay siineyso islamarkaana dacwadiisa la qaadi doono iyadoo aan ku xerin wax shuruud ah.

Hadaba halkan hoose ka akhriso Liiska dambiyada iyo gabood fallada ay Maxkamadda aruurineyso islamarkaana Maxkamadda ay qaadeyso dacwadahooda waxaana ay kala yihiin:

1- In dad rayid loo beegsado si ula kac ah,
2- In dad kama’ (Ganacsi ama Hanti) xoog looga qaato
3- Jirdil ama si bini’aadanimo kabaxsan in qof ama koox loo dhibaateeyo.
4- Maxaabiis si bini’aadanimada kabaxsan loo jirdiley..
5- kufsi Hawaanka, ama Caruurta.
6- Xasuuq.
7- Dil ama qof la weysan yahey oo gabood fallo geystay.
8- Iyo ugu dambeyn  dhinac walbo aadanaha oo aad is lee dahey waxaa lagu xad gudbey xuquuqda

Qofka loo heysto Danbiyadaas muhiim ma han, hadii uu yahey mas’uul xil haya hada ama hore u soo qabtey, sida: Madaxweyne. Madaxweyne Hore, Ra’iisal Wasaare, Ra’iisal Wasaare Hore, Wasiir, Wasiir Hore, ama xilalka sare sida NISA ama hadda ah ama hore u soo qabtay qof walba waad dacweyn kartaa hadii aad xog ku saabsan aad heysid sidaan raac hoosku qoran.

Soomaaliya ayaana kamid ah wadamada ugu badan oo ay ka dhacaan Gabood fallada oo ay geystaan mas’uuliyiin wata shaar dowladed iyadoo aysan jirin maxkamad awood u leh oo ku taala dalka islamarkaana wax ka qabata.

Halkan riix si aad u ogaatid macluumaadka sida aad xogta u gud bineysid:

https://www.icc-cpi.int/news/icc-prosecutor-karim-aa-khan-kc-announces-launch-advanced-evidence-submission-platform-otplink

AMA, Sidoo kale halkan riix sida aad u gud bisid toos marka aad ogaatid macluumaadkaas korku qoran buux formka:

https://otplink.icc-cpi.int/

Marka ay hesho maxkamada ICC dacwadda wey ku soo jawaabi doontaa sida kugu fudud oo ay kula soo xiriiri karto.

Muqdisho-Somalia

The post Ogeysiis muhiim ah oo kasoo baxay Maxkamadda ICC appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this